4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2012
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Odayaasha-dhaqanka ku boorriyay inay Dedejiyaan Xulidda Guddiga Ansixinta Dastuurka

Axad, May 13, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ku boorriyay maanta odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho inay soo dedejiyaan guddiga ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Mudane C/weli Gaas ayaa sheegay inay ka go'an tahay in ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaasoo uu ku sheegay inuu yahay midka looga gudbayo xilligan kala guurka ah looguna gudbayo xilli ay shaqeyso dowlad dhameystiran.

"Waxaa lagama maarmaan ah inaad soo dadajisaan xulidda guddiga ansxinta dastuurka, haddii aad soo xusheenna aad liiskooda nagu soo wareejiysaan," ayuu ra'iisul wasaaruhu yiri.

Sidoo kale, ra'iisul waasaruhu wuxuu sheegay in looga baahan yahay odayaasha-dhaqanka inay xil iska saaraan inay soo xulaan xubno wanaagsan oo howshooda kasoo bixi kara.

Hadalka ra'iisul wasaaraha ee ku aaddan ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay jiraan cabashooyin ku aaddan in dastuurka aysan ku qanacsanayn maamul goboleedka Puntland iyo blushada Soomaaliyeed qaarkood.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaruhu wuxuu u sheegay odayaasha dhaqanka in loo keeni doono dastuurka ayna eegaan, isagoo ka dalbaday inay saxaan wixii khalad ah ee ay ku arkaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya