4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2012
Maydka Haweeney la gowracan oo lagu arkay Duleedka Deegaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubada Hoose

Axad, May 13, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in duleedka deegaankaasi maanta lagu arkay meydka haweeney kamid ahayd dadka deegaanka taasoo gowracan, waxaana ilaa imika aan cadeyn sababta ka danbeeysay dilka haweeneydaasi.

Max'ed sheekh Cabdi oo katirsan saraakiisha dowladda ee gobolka Jubada Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneydaasi ay gurigeeda kala baxeen rag katirsan Al-shabaab, wuxuuna sheegay in meydkeeda oo gowracan ay soo dhigeen duleedka deegaanka Hoosingoow.

"Waxay kamid ahayd dadka Hoosingow ku nool, qof masaakiin ah oo haysatada 5-carruur ah oo agoon ah ayay ahayd, waxaa shalay galab la arkay meydkeeda oo gowracan, magaalada banaankeeda ayaa laga soo qaaday meydka oo madaxa ka go'a," sidaasi waxaa inoo sheegtay Hooyo ay Deris ahaayeen haweenayda la dilay.

Haweeneyda la gowracay ayaa lagu magacaabaa Suleeqo sheekh Yuusuf, waxayna ahayd 35 sano jir, iyadoona ay kamid ahayd dadka reer Hoosingoow, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in haweeneydaasi loo dilay si naxariis darro ah.

Dhanka xoogagga Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku aadan arintaasi oo kasoo baxay, waxaana arintani ay welwel iyo walaac ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee gobollada Jubooyinka lagu arko meydka ruux gowracan, haseyeeshee dilalka ceynkan oo kale ayaa ah kuwo aalaaba ka dhaca gobollada Jubooyinka oo ay isku hayaan xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo kaashanay kuwa ururka Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya