3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Booliiska dalka Uganda oo xoojiyay Ammaanka Magaalada Kampala kaddib markii ay ku hanjabtay Al-shabaab inay Qarxinayso

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka dalka Uganda ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka sameynayay magaalada Kampala howlgallo lagu xoojinayo ammaanka, iyagoo si gaar ah u adkeynayaya ammaanka hoteellada, goobaha laga adeegto, dhismayaasha dhaadheer iyo kuwa ay dhismayaashu ka socdaan ee ku dhow goobaha muhiimka ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in sidoo kale gaadiidka la baarayo dadkana si aad ah loola soconayo dhaqdhqaaqooda, iyagoo sheegay in dadka lagu wargeliyay askarta inay aad ula socdaan dhaqdhaqaaqyada goobaha muhiimka ah.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Uganda ayaa sheegay in adkeynta ammaanka ay tahay mid ku timid kaddib ay Al-shabaab sheegtay inay qorsheynayso qaraxyo waaweyn oo ay dalka Uganda ka geysato.

"Weli waxaa jira cabsi weyn oo naga haysata in qaraxyo magaaladan laga geysto," ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyay. "Wiilasheenna waxaa u dirnay Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda KMG ah, balse waxaa weli waa naloo hanjabayaa."

Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa waxaa sannadkii 2010 ka dhacay laba qarax oo waaweyn kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 70-qof oo daawanayay ciyaartii ugu dambeysay ee koobka adduunka, waxaana mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.

"Goobaha aan ammaankooda xoojinayno waa hoteellada oo laga yaabo inay soo maraan kuwa doonaya inay dhibaatooyinka geystaan," ayaa laga soo xigtay sarkaal ka tirsan booliiska Uganda.

Sarkaalku wuxuu sheegay in sidoo kale la adkeeyay in maamulayaasha hoteellada ay sidoo kale ku wargeliyeen inay ammaanka gacan ka geystaan, isagoo xusay in sidoo kale ay adkeynayaan ammaanka goobaha muhiimka ah oo ay ka mid tahay xarunta telefishinka iyo madaxtooyada iyo saldhigyada ciidamada.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa jiray fariimo caalami ah oo uga digayay dalka Uganda inay dhici karto in Al-shabaab ay qaraxyo ka geysto, maadaama ay ciidamo kaga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaasoo dhul badan ka qabsaday Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/6/2012 8:35 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Wasaaradda xannaanada xoolaha, beeraha, dhirta iyo daaqa dowaldda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in miro-beereedkii xilligan soo go'i lahaa ay baabi'iyeen cayayaan, isagoo ka digay in dadka beeraleyda ah ay mar kale ka barakacaan deegaannadooda.

6/6/2012 8:00 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa heegan gelisay ciidankeeda ammaanka kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ku dileen goboka Wiziristaan ee dalka Bakistaan Abuu-Yaxye Al-Liibi oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Qaacida ee ka howlgalay Soomaaliya.

6/6/2012 7:50 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo 100-askari oo AMISOM ka tirsan ay ku sugan yihiin ayaa la geeyay qalab ay AMISOM leedahay kuwaasoo ay ku jiraan taangiyo iyo gaadiidka gaashaaman.

6/6/2012 7:44 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw xaafadda howlwadaag ee magaalada Beledweyne waxaa ay ku toogteen Nin rayid ah oo ka mid ahaa ganacstada magaalada.

6/6/2012 7:19 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo xubno dowladda ka tisan oo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Cabdiwahaab Ugaas Khaliif uu ka mid ahaa ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee laga doonayo inay soo xulaan ergada ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

6/6/2012 7:15 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Saraakiisha hogaamineeysa ciidamada dowladda KMG ee ku sugan gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen 20 askari oo hore uga tirsanayd dagaalyahannada Al-shabaab ee ku sugan gobolka Jubada Hoose.

6/6/2012 3:40 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Dalka Koonfur Afrika oo ay kumannaan Soomaali ah ay ku nool yihiin ayaa waxaa marba marka kasii dambeysa sii kordhaya xiriirka iyo isdhex-galka ay la yeelanayaan dadka dalkaas u dhashay.

6/6/2012 3:07 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda KMG ah ayaa soo rogay amar looga mamnuucayo hubka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose. halkaas oo ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM ay kala wareegeen laba todobaad ka hor xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay.