4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo sheegtay in beerihii Sannadkan uu cayayaan baabi'iyay iyadoo ka digtay barakac kale

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Wasaaradda xannaanada xoolaha, beeraha, dhirta iyo daaqa dowaldda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in miro-beereedkii xilligan soo go'i lahaa ay baabi'iyeen cayayaan, isagoo ka digay in dadka beeraleyda ah ay mar kale ka barakacaan deegaannadooda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda, Maxamed Maxamuud ayaa mnaanta sheegay in cayayaan loo yaqan Kaba-jaan uu baabi'iyay beerihii roobka ku bixi jiray, iyadoo ay beealeydu awoodi waayeen inay cayayaankaas iska dhiciyaan.

"Markii roobabku da'een beeraleydii waa loo gurmaday deegaannadii ayaana loo celliyay, waxaana cayayaanku uu baabi'iyay saddex jeer beero la beegay, iyadoo ay tani noqonayso musiibo ku habsatay beeraleyda Soomaaliyeed," ayuu agaasime ku xigeenku yiri.

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in beeraha ay cayayaanku baabi'iyeen ay ku yaallaan inta u dhexeysa gobolka Hiiraan iyo Jubbooyinka, isagoo sheegay inay beeraleydu joogaan inay joojiyaan beero qodidda.

"Beeraleydu waxay hadda weli haystaan cunnooyinkii la siiyay, balse saddexada bilood ee xigta ayaa la filan karaa inay dadkaas kasoo barakacaan beeraleyda, ayna ku talinayaan in goobahooda lagu ogaado," ayuu yiri Maxamed Maxamuud.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda dhexe iyo hay'adaha gargaaka ay ugu baaqayaa in laga hortago in beeraleydaas inay deegaannadooda mar kale kasoo barakacaan, iyadoo la xusuusto in abaarihii sannadkii hore ay sababeen inay soo gaaraan Muqdisho dad ay xoolahoodii iyo beerahoodiiba abaartu la tagtay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya