4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Saraakiisha Dowladda KMG ee Degmada Afmadow oo Sheegay in ay isu soo Dhiibeen Rag katirsan Al-shabaab

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Saraakiisha hogaamineeysa ciidamada dowladda KMG ee ku sugan gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen 20 askari oo hore uga tirsanayd dagaalyahannada Al-shabaab ee ku sugan gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka Max'ed Daahir Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 24-kii saac ee ugu danbeeyay ay isu soo dhibeen ilaa 20 askari oo sita hubkooda, kuwaasoo uu xusay in ay kasoo goosteen dagaalyahannada Al-shabaab.

Mudane Max'ed Daahir ayaa sheegay in ragga isa soo dhiibay ay u sameyn doonaan dhaqancelin waa siduu hadalka u yiri, isagoona intaa ku daray in ay jiraan masuuliyiin hore uga tirsanaan jirtay maamulka Al-shabaab ee degmada Afmadow oo iyaguna isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee dhawaan gacanta ku dhigay degmada Afmadow.

Masuulkan ayaa dhinaca kale sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay ku weerarayaan Degmooyinka gobolka Jubada Hoose ee ay ku suganyihiin dagaalyahannada Al-shabaab, isagoona xusay in cutubyo katirsan Ciidamada ay shalay dagaal kula wareegeen deegaanka Biibi oo qiyaastii 75KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada dowaldda KMG oo garab ka helaya ururka Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa dhawaan la wareegay degmada Afmadow oo katirsan gobolka Jubada Hoose, islamarkaasina saldhig muhiim ah u ahayd xoogagga Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya