
Khamiis, June, 14, 2012 (HOL) – Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne wafdi balaaran oo uu hogaaminayay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda KMG C/samad Macalin Maxamuud
Wasiirrka iyo wafdigiisa oo loo soo galbiyay gudaha magaalada ayaa waxaa ay kulamo kula qaateen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobollka Hotelka Madiina ee magaalada Beledweyne, oo siweyn amaankiisa u sugayeen ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa dowladda Itoobiya.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday ujeedada socdaalkooda, waxaa uu sheegay in ay u guur-gali doonaan xaaladaha amaanka iyo habsami u socodka howlaha maamulka gobollka.
“Wafdigu waxaa uu isugu jiraa qeybo kala gadisan oo xukuumada ka tirsan, sidoo kale waxaa nala socda oo wafdiga wehliya saraakiil ka kala socta Midowgga Africa, UN-ka, IGAD, iyo wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, wax kalana ma’aha ujeedada socdaalkooda ee waa uun in ay qiimeyn ku sameeyaan arrimaha nabad-galyada iyo sidii horay loogu sii dhaqaajin lahaa.
Wasiirrku waxaa uu sheegay in wasaarrada arrimaha gudaha qorshe balaaran ka leedahay gobollka sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana xooga la saari doono sidii gacanta loogu dhigi lahaa qeybaha kale ee ka harsan gobollka Hiiraan.

Gobollka Hiiraan ayuu ku tilmaamay in uu yahay gobol istiraatiji ah, xukuumada iyo guud ahaan dowladdana fiiro gaar ah u leh, isaga oo sheegay in uu ku amaanayo maamulka gobollka Hiiraan shaqadii adkeyd oo ay qabteen mudadii ay gacanta ku hayeen magaalada.
“Waxaa aad u amaanayaa nabad-galyada buuxda ee ka jirta magaalada, taana waxaa mahadeeda iska leh ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Itoobiya, ayuu yiri,’’ wasiirka oo ka hadllayay aragtidiisa la xiriirta amaanka magaalada.
Sidoo kale waxaa ka hadllay kulanka ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Inji, oo sheegay in ka maamul ahaan siweyn ugu faraxsan yihiin booqashada wafdiga dhinacyada badan leh ee uu horkacayo wasiirrka arrimaha gudaha, islamarkaana ay ku soo dhaweynayaan gobollka Hiiraan.

Booqashada wafdiga wasiirrka arrimaha gudaha uu maanta ku tagay Beledweyne ayaa imaneysa xili uu gobollka ka maqan yahay guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.