6/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Midowga Afrika oo sheegay in Somalia la geynayo Ciidammo Booliis ah oo gacan ka geysta xaqiijinta Ammaanka Muqdisho

Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa maanta sheegay inay ciidammo booliis ah oo gaaraya 280 kana socda dallaka Uganda iyo Nigeria la geyn doonto Muqdisho si ay gacan u siiyaan ciidamada booliiska Soomaaliya.

Ku-xigeenka wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi oo Muqdisho kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidamadan booliiska ah ay ka caawin doonaan booliiska Soomaaliya sidii ammaanka caasimadda lagu sugi lahaa.

"Ciidamada booliiska ay waxay ka imaanayaan dalalka Nigeria iyo Uganda, waxaana dal walba ka imaanaya 140 askari," ayuu yiri Wamunyinyi, isagoo intaas ku daray inay ciidamadaas ka shaqeyn doonaan sugidda ammaanka, ka hortagga dambiyada iyo soo celinta ammaanka.

Dhanka kale, Wamunyinyi wuxuu sheegay in saraakiisha Kenya aysan ka hadli karin howgallada ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamada Kenya ay si toos ah u hoos-tagayaan taliyaha AMISOM, Jen. Andrew Gutti isagana uu ka warbixin doono howlgalladooda.

"Ciidamada Kenya waxay si rasmi ah uga mid noqdeen AMISOM, sidaa daraaddeed kama hadli karaan madaxda Kenya howgallada ciidamadaas, mas'uuliyadooda waxay saaran tahay AMISOM," ayuu yiri Wafula Wamunyinyi,

Gobollada Gedo iyo Jubbada hoose ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ku sugnaa ciidammo Kenyan ah oo dagaal kula jiray Al-shabaab, iyadoo uu ku soo beegmayo hadlaka Wafula iyadoo Kenya ay bishan horraanteedii si rasmi ah uga mid noqotay howgalka AMISOM.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu ku boorriyay madaxda Soomaalida inay dhameytiraan howlaha siyaasadeed ee horyaalla, isagoo sheegay in guulaha ciidan ee la gaaray oo keliya aan lagu soo celin karin ammaanka iyo deggenaashaha Soomaaliya.

"Waxaan ku dhawaannahay xilligii lasoo gabgabeyn lahaa KMG-nimada, waxaana loo baahan yahay in la dadajiyo howlaha harsan, waxaana hoggaamiyeayasha Soomaalida uga digayaa hadallada carqaladeyn kara guulaha ciidan ee la gaaray, kuwaasoo ka hirgalay Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan," ayuu yiri Wamunyinyi.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya in ka badan 10,000 oo askari kuwaasoo qaarkood la geeyay gobollada Baydhabo iyo Baladweyne oo ka kala tirsan gobollada Bay iyo Hiiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/14/2012 8:07 AM EST
Khamiis, June, 14, 2012 (HOL) – Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne wafdi balaaran oo uu hogaaminayay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda KMG C/samad Macalin Maxamuud

6/14/2012 8:06 AM EST
Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa guddi loo xilsaaray ay soo gabagabeeyeen daraasaynta dhulkii loogu talogalay dhismayaasha kastam cusub oo lagu canshuuro gawaarida isaga kala gooshta Soomaaliya iyo gobolka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

6/14/2012 8:05 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 241 sarkaal oo ka tirsan ciidanka asluubta Soomaaliyeed, waxaana saraakiisha ay darajooyinkooda u dhexeeyaan G/sare illaa Xiddigle.

6/14/2012 7:39 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa maanta sheegay inay u magacaabeen shan xubnood oo cusub oo uga qaybgalaya wadahadallo la filayo inay dhawaan ka dhacaan London oo ay la yeeshaan dowaldda KMG ah ee Soomaaliya.

6/14/2012 6:32 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa xafiiskiisa kulan kulayeeshay Toddobadda magaallo ee ugu waaweyn Somaliland maayiradoodda, kuwaas oo uu kula dardaarmay inay hawlaha ay u hayaan magaalooyinka ay madaxda ka yihiin inay si fiican oo cadaaladda leh ugu shaqayaan, nabadgalyaddana si weyn u xoojiyaan.

6/14/2012 3:54 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda KMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa maanta u dhoofay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/14/2012 2:09 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku dhintay qarax xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, iyadoo saraakiisha booliiska Soomaaliya ay sheegeen saakay in labada qof ee qaraxaas ku dhintay ay ka mid ahaayeen xoogagga Al-shabaab.

6/14/2012 2:08 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta fanka Soomaaliyeed oo muddo labo maalmood soconayay ayaa lagu soo gaba-gabeeyay xarunta hay'adda cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD, waxaana kulankaas ka qaybgalay abwaanno, fannaaniin, muusikatayaal, iyo jilayaal.

6/14/2012 2:05 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dagaalyahanno Soomaali ah oo la sheegay inay ka barbar dagaalamayeen ururka Ansaarul-sunna ee dalka Yemen oo taabacsan ururka Al-Qaacida ayaa lagu dilay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta dalka Yemen.