4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Degmada Galdogob oo yeelanaysa kastam isku xira Itoobiya iyo Soomaaliya

haye.jpg

Khamiis, June 14, 2012 (HOL) - Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa guddi loo xilsaaray ay soo gabagabeeyeen daraasaynta dhulkii loogu talogalay dhismayaasha kastam cusub oo lagu canshuuro gawaarida isaga kala gooshta Soomaaliya iyo gobolka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Kastamkan cusub oo hadii la furo ay sannadkii ay kasoo xaroonayso lacag gaaraysa malaayiin doolar ayaa furitaankiisa waxaa isku afgartay maamul goboleedka Puntland iyo gobolka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo bilihii ugu dambeeyay kala saxiixday heshiisyo sare loogu qaadayo ganacsiga u dhexeeya labada deegaan.

Waxaana gudigii loo xil saaray qiimaynta arrinta ay soo jaangooyeen in kastamkaasi laga hir galiyo deegaanka Tuurdibi ee 2km u jira degmada Galdogob oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kastamka cusub furitaankiisa oo noqonaya halbawle dhaqaale oo cusub oo ay yeelanayso degmada Galdogob ayaa ku soo beegmay xilli degmadaasi sannadihii ugu dambeeyay laga hirgaliyay isbitaal wayn oo ay ka hawlgalaan dhaqaatiir ajaanib ah oo u badan Masaari, taasoo sare u qaaday dakhliga dadka magaalada.

Waxaana isbitaalkaasi looga kala yimaadaa gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya iyo deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

HOSPITALhh.jpg

Maxamuud Xassan, Galdogob, Soomaaliya