3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DKMG Soomaaliya oo socdaal ugu ambabaxay Magaalada Baladweyne

Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda KMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa maanta u dhoofay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdigan ayaa waxay ka kooban yihiin, xidlhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ciidan, iyadoo magaalada Baladweyne ay ka socoto qabanqaabo lagu soo dhaweynayo wafdigan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay uga gudbi doonaan degmooyin kale oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

"Mas'uuliyiinta dowladdu waxay soo qiimeynayaan xaaladda ammaan ee degmada Baladweyne ka jirta, waxayna kulammo la qaadan doonaan xubnaha maamulka iyo saraakiisha ciidamada," ayuu saxaafadda u sheegay mas'uul wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.

Socdaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ay ku tagaan Baladweyne, iyadoo la xusuusto in horraantii sannadkan ay booqasho ku tageen xarunta gobolka Hiiraan wafdi uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxay booqashadiisa imaanaysaa iyadoo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya, C/fitaax Xasan Faarax uu safar shaqo uu ugu maqan yahay dalka Jabuuti.

Magaalada Baladweyne ayaa noqonaysa magaalada ugu weyn ee ka tirsan gobolka Hiiraan oo gacanta ugu jirta dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo Al-shabaab laga qabsaday bishii Diseember ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/14/2012 8:07 AM EST
Khamiis, June, 14, 2012 (HOL) – Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne wafdi balaaran oo uu hogaaminayay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda KMG C/samad Macalin Maxamuud

6/14/2012 8:06 AM EST
Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa guddi loo xilsaaray ay soo gabagabeeyeen daraasaynta dhulkii loogu talogalay dhismayaasha kastam cusub oo lagu canshuuro gawaarida isaga kala gooshta Soomaaliya iyo gobolka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

6/14/2012 8:05 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 241 sarkaal oo ka tirsan ciidanka asluubta Soomaaliyeed, waxaana saraakiisha ay darajooyinkooda u dhexeeyaan G/sare illaa Xiddigle.

6/14/2012 7:39 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa maanta sheegay inay u magacaabeen shan xubnood oo cusub oo uga qaybgalaya wadahadallo la filayo inay dhawaan ka dhacaan London oo ay la yeeshaan dowaldda KMG ah ee Soomaaliya.

6/14/2012 7:18 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa maanta sheegay inay ciidammo booliis ah oo gaaraya 280 kana socda dallaka Uganda iyo Nigeria la geyn doonto Muqdisho si ay gacan u siiyaan ciidamada booliiska Soomaaliya.

6/14/2012 6:32 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa xafiiskiisa kulan kulayeeshay Toddobadda magaallo ee ugu waaweyn Somaliland maayiradoodda, kuwaas oo uu kula dardaarmay inay hawlaha ay u hayaan magaalooyinka ay madaxda ka yihiin inay si fiican oo cadaaladda leh ugu shaqayaan, nabadgalyaddana si weyn u xoojiyaan.

6/14/2012 2:09 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku dhintay qarax xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, iyadoo saraakiisha booliiska Soomaaliya ay sheegeen saakay in labada qof ee qaraxaas ku dhintay ay ka mid ahaayeen xoogagga Al-shabaab.

6/14/2012 2:08 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta fanka Soomaaliyeed oo muddo labo maalmood soconayay ayaa lagu soo gaba-gabeeyay xarunta hay'adda cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD, waxaana kulankaas ka qaybgalay abwaanno, fannaaniin, muusikatayaal, iyo jilayaal.

6/14/2012 2:05 AM EST
Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dagaalyahanno Soomaali ah oo la sheegay inay ka barbar dagaalamayeen ururka Ansaarul-sunna ee dalka Yemen oo taabacsan ururka Al-Qaacida ayaa lagu dilay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta dalka Yemen.