4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2012
Madaxweynaha Puntland oo maanta hortegey golaha wakiillada


Isniin, July 09, 2012(HOL): Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa maanta hortegey golaha baarlamaanka oo kalfadhigoodii 28aad uu magaalada Garoowe uga socdo.  Madaxweynaha oo mudo labo bilood kudhow dalka dibadiisa safaro shaqo ugu maqnaa, wuxuu golaha uga warbixiyey waxyaabihii safaradaas uga soo qabsoomay iyo weliba halka uu marayo geedi socodka nabadda ee dalka.

Ugu horeyn waxa uu ka hadlay booqasho uu ku tegey dalka India kadib markii uu dowladda dalkaas casumaad rasmi ah ka helay, wuxuuna sheegay in xukuumadda India ay balan qaaday inay Puntland ka caawin doonto kor u qaadista wax soo saarka beeraha.

Intaas kadib wuxuu baarlamaanka uga warbixiyey shirkii Istanbul, isagoo tilmaamay in shirkaasi uu guul kusoo dhamaaday, haseyeeshee ay kasoo qayb galeen dad ka socdey bulshada rayidka ah kuwaas oo dhinaca Puntland aysan cidna ugu jirin, arintaas ayuu madaxweynuhu sheegay in markii danbe xal laga gaarey dowlada Turkiguna ay raali gelin ka bixisay.

Shirkii arimaha Burcad-badeeda looga hadlayey ee dhamaadka bishii lasoo dhaafay ee June lagu qabtay magaalada Dubai oo madaxweynaha Puntland uu ku jirey madaxdii Soomaaliyeed ee lagu casumey ayuu sidoo kale baarlamaanka uga warbixiyey, wuxuuna tilmaamay in shirkaasi uu ahaa mid si weyn kor ugu qaaday magaca dowlad goboleedka Puntland.


"Magaceenii wax weyn buu kor usoo qaaday, madax badan oo aduunka ah baa isugu timid, waxaa kasoo baxay wax dani inooku jirto oo ah in lagu taageero laguna amaano Puntland, gacanta ay ka geysato la dagaalanka Burcad-badeeda".

Mar uu ka hadlayey booqasho uu dhowaan ku tegey gobolka ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey, madaxda gobolkaasna uu kulamo kula soo qaatay wuxuu yiri:

"heshiis horay loo galay inaan xoojinana waan isku afgaranay, nabadgelyada, ganacsiga iyo isdhexgalka intaba inaan ka shaqeyno go'aan ayaan ku gaarney".

Dhinaca kale waxyaabaha uu madaxweynuhu intii ay khudbadiisu socotey uu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa: maqaamka ay yeelanayso caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo xuxsay inay muhiim tahay in caasimadu ay noqoto mid aan lakala lahayn.

"Caasimadu waa inay yeelato wax lagu yaqaan oo Soomaali soo wada jiidan kara, si ilaahey nagu ogyahay baan uga jeednaa in Magaala-madaxdu ay yeelato wax lagu yaqaan oo dadku u siman yahay, oo aan lakala lahayn, qofkii wax kale oo aan jirin ka arkaya isagay jirtaa" Dr. Faroole ayaa yiri.

Xiligii uu madaxweynuhu khudbadiisa dhameeyey kadib ayaa bada warbaahinta lagu amray inay banaanka u baxaan, si aan loo ogaan su'aalaha ay xildhibaanadu madaxweynaha weydiinayaan.

Kalfadhigan oo ah kii 28aad ee ay golaha wakiilada ee Puntland yeeshaan waxaa intii uu socdey gudiga arimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amaanka baarlamaanka u qaabilsani ay ku eedeeyeen xukuumadda hada jirta inay si weyn ugu fashilantay siyaasadda gudaha.


Mohamed Salad
[email protected]