Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha bankiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Prof. C/llaahi Axmed Afrax.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xilkan magacaabay isagoo tixraacaya Axdiga KMG ah ee dalka iyo xeerarka shaqaalaha rayidka ah, wuxuuna xusay in mas'uulkan lagula dhaqmi doono xeerarka shaqaalaha rayidka ah ee dalka.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu jagadan magacaabay markii uu arkay baahida loo qabo, sidoo kalena uu soo jeedin ka helay ra'iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali.
Prof. C/llaahi Axmed Afrax ayaa wasiir kasoo noqday xukuumaddii Prof. Cali Maxamed Geeddi uu hoggaaminayay, waxaana ay noqonaysaa markii koowaad oo xil sare loo magacaabo tan iyo xilligaas.
Magacaabistan waxayaa waxay imaanaysaa iyadoo bankigii horumarinta ganacsiga Soomaaliya uu burbursan yahay, iyadoo aysan dowladda KMG ah dayactir ku sameyn, iyadoo sidoo kale magacaabiddan ay imaanayso xilli jirtaanka DKMG ah ay maalmo ka harsan yihiin.
Wareegtadan oo ku taariikheysnayd toddobadkii bishan ayaa waxay dhaqangalaysaa sida lagu sheegay maanta oo lagu baahiyay faafinta rasmiga ah, lagana sii daayay warbaahinta.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha DKMG Somalia oo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya
More News
- Kooxda Kubadda Cagta ee SOMALI UNITED oo markii seddexaad ku guuleysatay Tartanka SOMALI WEEK ee magaalada Toronto (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Puntland oo maanta hortegey golaha wakiillada
- Video: General Cusmaan Faalko oo musharax u ah jagada madaxweyninimada Soomaaliya
- Ciidammo Itoobiyaan ah oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo oo Al-shabaab ay ka taliso
- Ra'iisul Wasaare Gaas oo sheegay in Shirkii Kooxda ICG ee Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah
- Jaamacadda Camuud ee Somaliland oo Sannadkan laga billaabi doono Waxbarashada sare ee Master Degree iyo PHD
- Dood-Cilmiyeed ku saabsan sidii lagu xoojin lahaa Ammaanka Degmada Afgooye oo Maanta lagu qabtay Degmadaas
- Xisbiga Hiil-Qaran oo madaxweynenimada Soomaaliya u soo sharraxay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar (SAWIRRO)
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo u Mahad-celiyay Qaar ka mid ah hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka
- Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inuu Soomaaliya ka socdo qorshe lagu simayo diinta Islaamka iyo Masiixiyadda