Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ayaa la sheegay inay maanta u dhaqaaqeen dhinaca degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.
Wararka laga helayo degmada Buur-dhuubo ayaa waxay sheegayaan in xoogagga Al-shabaab ay halkaas ka billaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo ciidamada Itoobiya ay ka baxeen saakay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.
Degmooyinka Buur-dhuubo iyo Baardheere ayaa waxay ka mid yihiin degmooyinka ay gobolka Gedo kaga sugan tahay Xarakada Al-shabaab, iyadoo saraakiisha kooxdan ay horay u sheegeen inay iska difaaci doonaan weerar walba oo kaga yimaada dhinaca ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ka baxay degmada Qansax-dheere ayaa la sheegay inay wataan gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin taangiyo, iyadoo aysan weli ka hadlin arrintan saraakiisha dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya.
Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxaana gobolkaas ka dhacayay dagaallo culus tan iyo sannadkii 2010.
Dowladda Itoobiya ayaa waxay sheegtay in ciidamadooda ay ku suganan doonaan gudaha Soomaaliya inta laga dhisayo dowlad awood leh oo iska caabin karta dagaallada kaga imaanaya Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidammo Itoobiyaan ah oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo oo Al-shabaab ay ka taliso
More News
- Kooxda Kubadda Cagta ee SOMALI UNITED oo markii seddexaad ku guuleysatay Tartanka SOMALI WEEK ee magaalada Toronto (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Puntland oo maanta hortegey golaha wakiillada
- Video: General Cusmaan Faalko oo musharax u ah jagada madaxweyninimada Soomaaliya
- Ra'iisul Wasaare Gaas oo sheegay in Shirkii Kooxda ICG ee Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah
- Jaamacadda Camuud ee Somaliland oo Sannadkan laga billaabi doono Waxbarashada sare ee Master Degree iyo PHD
- Madaxweynaha DKMG Somalia oo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya
- Dood-Cilmiyeed ku saabsan sidii lagu xoojin lahaa Ammaanka Degmada Afgooye oo Maanta lagu qabtay Degmadaas
- Xisbiga Hiil-Qaran oo madaxweynenimada Soomaaliya u soo sharraxay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar (SAWIRRO)
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo u Mahad-celiyay Qaar ka mid ah hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka
- Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inuu Soomaaliya ka socdo qorshe lagu simayo diinta Islaamka iyo Masiixiyadda