Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’ oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa uga mahad celiyay hay’addaha ICRC iyo Save The Childaren gargaarka ay siinayaan dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo deegaannada hoos taga.
"Hay’adda ICRC waxaa ay maalmihii aynu soo dhaafnayba si is daba joog ah u waday howlo lagu gargaarayo dadka dadka dhibaateysan ee ku jira xeryaha barakacayaasha iyo kuwa ku dhaqan deegaannada hoos yimaada degmada Baladweyne,’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobollka.
Waxaa uu sheegay in dadkaasi u qeybisay hay’adda ICRC cuno tayo leh oo wax weyn ka tari kara baahiyaha la soo darsay, iyadoo dhinaca nabad-galyadana ay gacan ka siinayaan sida uu hadalka u dhigay ciidamada mamaulka gobollka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay hay’adda Save The Childaren in ay magaalada ka wado barnaamij lagu kaalmeynayo dadka liita, iyadoo lacago siisa bil kasta qoysas ka badan 10,000, kuwaasoo toos ah lacagaha u qaata iyadoo aan gacan kale loo sii marin.
Waxaa uu shirkaasi Jaraa’id ku sheegay guddoomiye ku-xigeenka gobollka Hiiraan in ay magaalada ku soo jabeen dad kala yimid degmooyinka gobollka Hiiraan ee wali ku harsan gacanta xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo doonaya ayuu yiri in ay ka faa’ideystaan kaalamada ay bixinayaan labada hay’addood.
"Waxaa maalin kasta magaalada soo galaya dad ka yimid degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi, kuwaasoo aad u liita, waxaana ay u baahan yihiin in ay helaan gargaar, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqeynaa hay’addaha kale in ay kaalintooda qaataan ayuu yiri,’’ Max’ed Macalin Yuusuf.
Labada hay’addood ee shirka Jaraa’id lagu soo qaaday ayaa bilihii ugu danbeeyayba ka waday gobollka howlo lagu gargaarayo dadka dhibaateysan, walow haddana wali ay jirto cabashada dadka barakacayaasha ah u jeedinayaan hay’addaha samafalka.
Ugu danbeytii shirka Jaraa’id ayaae lagu soo qaaday wararka sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhaxgalay mas’uuliyiinta maamulka gobollka, kaasoo lagu tilmaamay in uu yahay war aan sal laheyn, islamarkaana shaqsiyaadka ka hadllaya khilaafka yihiin kuwo ka soo bixi waayay waajibaadkii shaqo ee loo idmaday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne. Soomaaliya
Maamulka Gobolka Hiiraan oo u Mahad-celiyay Qaar ka mid ah hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka
More News
- Kooxda Kubadda Cagta ee SOMALI UNITED oo markii seddexaad ku guuleysatay Tartanka SOMALI WEEK ee magaalada Toronto (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Puntland oo maanta hortegey golaha wakiillada
- Video: General Cusmaan Faalko oo musharax u ah jagada madaxweyninimada Soomaaliya
- Ciidammo Itoobiyaan ah oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo oo Al-shabaab ay ka taliso
- Ra'iisul Wasaare Gaas oo sheegay in Shirkii Kooxda ICG ee Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah
- Jaamacadda Camuud ee Somaliland oo Sannadkan laga billaabi doono Waxbarashada sare ee Master Degree iyo PHD
- Madaxweynaha DKMG Somalia oo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya
- Dood-Cilmiyeed ku saabsan sidii lagu xoojin lahaa Ammaanka Degmada Afgooye oo Maanta lagu qabtay Degmadaas
- Xisbiga Hiil-Qaran oo madaxweynenimada Soomaaliya u soo sharraxay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar (SAWIRRO)
- Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inuu Soomaaliya ka socdo qorshe lagu simayo diinta Islaamka iyo Masiixiyadda