3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2012
Dood-Cilmiyeed ku saabsan sidii lagu xoojin lahaa Ammaanka Degmada Afgooye oo Maanta lagu qabtay Degmadaas

Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida lagu xoojin karo ammaanka degmada Afgooye ayaa lagu qabtay degmadaas, gaar ahaan beerta Sheekh Zayed, kaasoo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ayna ka qayb-galeen madax ka tirsan DKMG Soomaaliya, maamullada gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose, waxgaradka, culummo iyo shacabka degmada Afgooye.

Guddoomiyaha degmada Afgooye, C/llaahi Axmed Iidey oo hadal ka jeediyay doodda ayaa sheegay in ciidamada ammaanka iyo qaybaha kale ee blushada ay si wadarji ah uga shaqeyn doonaan xoojinta ammaanka degmada.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose, Cumar Maxamuud Cilmi oo isaguna hadlay ayaa sheegay in bulshada gobolka ay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan adkeynta nabadgelyada ka jirta gobolka.


"Far kaligeed fool ma dhaqdo, bulshada gobolka ku nool waa inay si wadajir ah isaga kaashadaan nabadda iyo inay mar kale dib ugu soo noqon kooxihii laga saaray," ayuu yiri mas'uulka u hadlay gobolka oo u mahadceliyay hay'adda CCD.

Ciise Axmed Cumar oo ah guddoomiyaha hay'adda CCD oo isaguna hadal goobta ka jeediyay ayaa ku booriyay bulshada degmadaas ku nool inay ka faa'iideystaan nabdda ay haystaan iyagoo ku cibro qaadanaya dhibaatadii ay ku hayeen kooxihii nabad-diidka ahaa ay iska kaashadaan sidii ay nabadda ku xajisan lahaayeen.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay abaabulka iyo farxadda idinka muuqata, waxaana ballan-qaadayaa in hay'adda CCD ay kordhineyso seminaarada ay degmadan ku qabanayso," ayuu yiri guddoomiyaha haya'dda.

Madaxa haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo iyaduna doodda hadal ka jeediysay ayaa sheegtay in shacabka ku nool gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose ay yihiin walaalo, iyadoo tilmaantay in bulshada labada gobol ay dano fara badan ka dhexeeyaan.


"Bulshada degmada Afgooye oo runtii ah bulsho fac weyn, waxaan aad iyo aad ugu faraxsan-nahay haybadda ka muuqata ka qayb-galayaasha dood-cilmiyeedka," ayay tiri Jawaahir Baarqab oo dhinaca kale ku boorisay shacabka degmadaas inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si ammaanka ay u adkeeyaan.

Jan. Ibraahim Yaroow oo ka mid ahaa saraakiisha ka qayb-galay doodda ayaa isna hadal uu jeediyay ku sheegay in nabadda ka dhalatay degmada Afgooye loo huray dhiig iyo dhaqaale, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in bulshada degmada iyo ciidamada dowladda si wadajir ah isaga kaashadaan in kooxaha fara ku tiriska ah ee ku dhuumaaleysanaya degmada loo soo qabto isla markaana gacanta ciidamada loo soo geliyo.

Ugu dambeyn, waxaa doodda ka hadlay guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed iyadoo doodda ku tilmaantay mid lagu wacyi-gelinayay shacabka ku nool degmadaas oo dhawaan ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM dagaal uga qabsadeen Xarakada Al-shabaab.

Iyadoo dooddan looga hadlayay nabadda lagu qabtay degmada Afgooye ayaa waxay haddana dadka degmadaas ku nool ka cabanayaan dhac ay u geystaan ciidamada dowladda KMG, waxayna qaarkood inay nabad haysteen intii ay Al-shabaab ka talinaysay degmada.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/9/2012 5:19 PM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) Kooxda kubadda cagta ee SOMALI UNITED ayaa markii sedexaad ku guuleysatay koobkii SOMALI WEEK oo sannad kasta lagu qabto magaalada Toronto ee dalka kanada ka dib markii ay 2 iyo 1 kaga guuleystay kooxda HILAAC.

7/9/2012 3:32 PM EST
Isniin, July 09, 2012(HOL): Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa maanta hortegey golaha baarlamaanka oo kalfadhigoodii 28aad uu magaalada Garoowe uga socdo. Madaxweynaha oo mudo labo bilood kudhow dalka dibadiisa safaro shaqo ugu maqnaa, wuxuu golaha uga warbixiyey waxyaabihii safaradaas uga soo qabsoomay iyo weliba halka uu marayo geedi socodka nabadda ee dalka.

7/9/2012 11:27 AM EST
General Cusmaan Faalko ayaa magaalada London kaga dhawaaqay in uu musharax u yahay tartanka doorashada madaxweyninimada dalka Soomaaliya

7/9/2012 9:11 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ayaa la sheegay inay maanta u dhaqaaqeen dhinaca degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

7/9/2012 9:03 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha dowladda KMG Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in shirkii kooxda ICG ee lagu qabtay dalka Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah gargaarka bani'aadamnimana loo gaarsiin lahaa goobaha laga saaray Al-shabaab.

7/9/2012 8:36 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Jaamacadda Camuud ayaa sheegtay inay sanad Jaamacadeedkan bilaabi doonto waxbarashadda sare ee Master Degree iyo PHD, iyadoo soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu horumarinayo jaamacadda.

7/9/2012 8:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha bankiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Prof. C/llaahi Axmed Afrax.

7/9/2012 7:50 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xisbiga Hiil-Qaran oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah mas'uuliyiinta xisbigaas uu yahay murashaxa uga qayb-galaya doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha Ogoosto ee sannadkan.

7/9/2012 7:49 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’ oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa uga mahad celiyay hay’addaha ICRC iyo Save The Childaren gargaarka ay siinayaan dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo deegaannada hoos taga.

7/9/2012 1:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in lawado qorshe la doonayo in dastuurka cusub uu noqdo mid u siman diimaha masiixiga iyo Islaamka iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan qorshahaas.