4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2012
Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inuu Soomaaliya ka socdo qorshe lagu simayo diinta Islaamka iyo Masiixiyadda

Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in lawado qorshe la doonayo in dastuurka cusub uu noqdo mid u siman diimaha masiixiga iyo Islaamka iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan qorshahaas.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo saxaafadda kula hadlay degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in qorshahan lagu simayo diinta Islaamka iyo masiixiga ay wadaan dalalka caawiya dowladda KMG ah.

"Gaaladu si cad ay u sheegeen inay doonayaan in Soomaaliya lagu faafiyo diinta kirishtaanka, ayna la mid noqto diinta Islaamka, sidoo kalena ay sinnaadaan masjidka iyo kaniisadda, innaguna ma ogolin," ayuu afhayeenku yiri.

Sheekh Cali Dheere wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay arrintaas ka hortagaan, isagoo carrabka ku dhajiyay in goor hore ay iyagu sheegeen in maalka lagu bixinayo Soomaaliya ay ka dambeyso sidii ay diinta kirishtaanka ugu faafin lahaayeen dalka.

Dhawaan ahayd markii deeq-bixiyeyaasha caalamka ay dalbadeen in dastuurka cusub ee Soomaaliya uu noqdo mid u siman diimaha oo dhan, sidoo kalena loo ogolaado dadka masiixiyadda haysta inay si caadi ah u cibaadeysan karaan.

Dhanka kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in dadka lagu qabqabto howgallada ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kawadaan Muqdisho la iibsado, iyadoo afhayeenku uu sheegay inaysan dadkaas ku jirin xubno ka tirsan Al-shabaab.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay saraakiisha dowladda KMG ah sheegeen in howgallo ay ka sameyeeen Muqdisho lagu soo qabtay boqolaal dhalinyaro ah, kuwaasoo baaritaanno lagu sameynayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya