6/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Calanka Soomaaliya oo caawa mar kale fagaare Caalami ah ka soo muuqday

Sabti, July 28, 2012(HOL): Calanka Soomaaliya ayaa caawa mar kale ka soo muuqday  fagaare caalami ah oo lagu soo bandhigayay calammada in ka badan 200 oo dal oo caalamka ka tirsan.

Orodyahannada Soomaaliyeed ee Zamzam Cali Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo Isboorti ayaa calanka ku soo bandhigtay furitaanka ciyaaraha Olombikada Adduunka ee London.

Soomaaliya waxaa tartankan uga qeybgelaya  Zamzam Cali Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo tartankan uga soo dhoofay Magaalada Muqdisho , kuwaasi oo kala ordi doona 400 mt iyo 1500 mt, waxaana laga rajeynayaa labada orodyahan in ay natiijo wax ku ool ah ka keenaan tartankan.

Sanadkii 2008 ayay ahayd markii wafdi sare oo ka socda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS iyo ciyaartoy ay ka qeybgaleen tartankii Olombikada Adduunka ee Beijing-China lagu qabtay, wuxuuna wafdigaas Soomaaliyeed iyo ciyaartoydiiba ay calanka Soomaaliya ku soo bandhigeen fagaarahaas caalamiga ahaa ee Beijing, waxayna taas ahayd mid si weyn loogu farxay.

Tartanka Olombikada Adduunka ee London Olympics 2012 ayaa waxaa caalamka ka daawan doona dad lagu qiyaasay 4 million oo ruux, halka ay ka soo qeybgelayaan shakhsiyaad isboorti oo ciyaartoy, madax iyo taageerayaal isugu jira, kuwaasi oo ka kala imaan doona 205 dal oo  uu dalka Soomaaliya ku jiro.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/27/2012 7:16 PM EST
Warbixin Oradyahanada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Olympic Village ee magaalada London. Waxaa warbixintaan magaalada London nooga soo diray wariye Ibrahim Baafo

7/27/2012 9:18 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar (Cirro) ayaa sheeagy maanta oo Jimco ah inay si KMG ah u hakiyeen wadahadalladii ay kula jireen dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

7/27/2012 8:52 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Hay'adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u dirtay 77 baabuurta waaweyn oo qayb ka qaadaanya dib u dhiska magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka Soomaaliya.

7/27/2012 8:47 AM EST
Haweenaydii ahayd safiirka dalka Venezuela u joogta Kenya Olga Fonseca ayaa laga helay maydkeeda guriga ay daganayd oo ku yaallay xaafada Runda ee magaalada Nairobi.

7/27/2012 8:35 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Isbaheysiga madaxa-bannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya ee IFISO (Independent Vetting Coalition Somalia) ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11-qodob oo lagu eegayo dadka u sharaxan ka mid noqonshada xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo lagu wado inay odayaasha dhaqanku soo gudbiyaan dhawaan magacyadooda.

7/27/2012 7:54 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta oo Jimco ah hakaday shirkii ansixinta dastuurka oo geli lahaa maalitiisii saddexaad, iyadoo qarax khasaare geystay lagu weeraray bar-koontarool oo laga ilaaliyo goobta uu shirku ka socdo.

7/27/2012 7:37 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ee gobollada Jubooyinka ayaa ku hanjabay in xoogagga Al-shabaab ay kala wareegi doonaan guud ahaan Jubooyinka kahor inta aan la gaarin 20-ka bisha fooda nagu soo heyso ee August.

7/27/2012 7:31 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in xalay hoobiyeyaal lagu weeraray goobta uu shirka ansixinta dastuurku ka socdo, kuwaasoo uu sheegay inaysan wax khasaare ah geysan.

7/27/2012 6:52 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay soo gaba-gabeeyeen wajigii koowaad ee howlgalladii ciidan ee ay ka wadeen magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, isagoo sheegay inuu billaabi doono wajiga labaad ee howgalkooda Soomaaliya.

7/27/2012 6:34 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Waxaa si rasmi ah galinkii danbe ee maalintii shalay oo Khamiis aheyd uga furmay magaalada Baladweyne Tartan kubadda cagta ah oo lagu maamusayo bisha Ramadaan.

7/27/2012 5:39 AM EST
Jimco, July, 27, 2012 (HOL)- Hogaanka Sare ee ururka Siyaasadeedka XAQSOOR Somaliland, ayaa soo dhoweeyey nabaddii uu ku dhawaaqay hogaamiyaha SSC Saleebaan Xago Toosiye, waxaanay ku baaqeen in nabadaasi la wada qaato, xukuumadana ugu baaqay inay baaqii nabadeed ee ay u jeediyeen reer Buuhoodle ay ficilkii ku daraan oo nabadaasi si weyn loo taageero.

7/27/2012 5:33 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL)- Dadweyne Cadhaysan ayaa shiid iyo dhagax ku weeraray maamulka dawladda Hoose ee degmadda Caynaba, waxaanay halkaasi dhaawac ka soo gaadhay maayarkii magaalada iyo masuuliyiin kale.

7/27/2012 4:47 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Wasaaradda gaashaandhigga Britain ayaa xaqiijisay in koox yar oo ciidammo ah isla markaana caawinaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya.