6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Isbahaysiga Madaxa-banaan ee Turxaan bixinta Somalia ee IFISO oo warsaxaafadeed kasoo saaray Muqdisho
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Isbaheysiga madaxa-bannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya ee IFISO (Independent Vetting Coalition Somalia) ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11-qodob oo lagu eegayo dadka u sharaxan ka mid noqonshada xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo lagu wado inay odayaasha dhaqanku soo gudbiyaan dhawaan magacyadooda.

Hadaba qoraal kasoo baxay xaafiiska isbaheysiga IFISO oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha isbahaysigan Xasan Shire Sheekh ayaa u qornaa sidan:

Ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee madaxa-bannaan ayaa tan iyo billowgii bishii May, 2012 waxay ku mashquulsanaa dhisidda isbaheysiga madaxa-bannaan ee turxaan-bixinta Soomaaliya (IFISO) si ay baaritaan ugu sameeyaan qaabka ay beelahu u soo magacaabayaan murashaxiinta illaa laga gaarayo ansixintooda, markaasoo ay buuxin doonaan xaafiisyada rasmiga ah ee dowladda, sida baarlamaanka, madaxtooyada iyo xukuumadda – ugana hortagaan xulitaanka shaqsiyaad geystay dambiyo dagaal, dambiyo dhan ka ah aadaminnimada iyo xadgudubyo culus oo loo geystay xuquuqda aadanaha.

Waxay IFISO ka kooban tahay xubnaha ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee u ololeeya sidii Soomaaliya u noqon lahayd Jamhuuriyad federaal ah oo wax-ku-ool ah, kuna dhisan caddaalad iyo dimoqraaddiyad.

Waxaa ka mid ah ujeeddooyinka IFISO sidii loo dhisi lahaa hab lagula xisaabtamo dadka horay u geystay dambiyo dagaal, dambiyo dhanka ka ah aadaminnimada iyo xad-gudubyada culus oo lagu jabiyay xeerka iyo caadooyinka dagaallada, amaba ku lug lahaa tacaddiyo culus oo baahsan, dhanna ka ah xuquuqda aadanaha, kana dhacay Soomaaliya.

Haddaba si loo helo musharraxiin ka madax-bannaan arrimahaas oo dhan ayaa waxaa laga codsanayaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay si aad ah uga baaraan-degaan shaqsiyaadka ay u xulayaan jagooyinka sare ee dowladda, isla markaana inta aysan magaciisa gudbin hubiyaan inuusan ku sifoobin mid ama dhowr ka mid ah qodobbada soo socda:
  1. Ka qeybgalka dagaallada sokeeye ama hoggaaminta xad-gudubyo waaweyn oo ay geysteen xukuumadihii dalka soo maray.
  2. Ka qeyb-qaadashada abaabul, kicin iyo gubaabin dagaal sokeey oo lagu gummaaday dad rayad ah; iydoo aan cidna loo aabboyeelin.
  3. Abaabulka iyo ka qeyb-qaadashada dilal qorsheysan oo lala beegsaday dad rayid ah.
  4. Abaabulka iyo ka qeyb-qaadashada xeelado sababay macluul iyo dhimasho.
  5. Hor-istaagga gargaar aadaminnimo oo ku socday dad Soomaaliyeed oo la il-daran gaajo iyo macluul.
  6. U adeegsiga carruur askarinimo.
  7. Abaabulka ama ka qayb-qaadasha falal argagixiso.
  8. Ku-tagri-fal ama dayacid hanti Qaran.
  9. Xatooyo xoolo dadweyne.
  10. Ku lug lahaanshaha burcad-badeednimo
  11. Ku-tagri-fal awoodeed.
Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad booqan kartaa shabakadaha isbahaysiga oo kala ah: Website: www.ifiso.net. Facebook/ifisoindependentvettingcoalitionsomalia iyo Twitter: @Ifiso_somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/27/2012 8:16 PM EST
Sabti, July 28, 2012(HOL): Calanka Soomaaliya ayaa caawa lagu soo bandhigay fagaare caalami ah oo lagu soo bandhigayay calamada in ka badan 200 oo dal oo caalamka ka tirsan.

7/27/2012 7:16 PM EST
Warbixin Oradyahanada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Olympic Village ee magaalada London. Waxaa warbixintaan magaalada London nooga soo diray wariye Ibrahim Baafo

7/27/2012 9:18 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar (Cirro) ayaa sheeagy maanta oo Jimco ah inay si KMG ah u hakiyeen wadahadalladii ay kula jireen dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

7/27/2012 8:52 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Hay'adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u dirtay 77 baabuurta waaweyn oo qayb ka qaadaanya dib u dhiska magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka Soomaaliya.

7/27/2012 8:47 AM EST
Haweenaydii ahayd safiirka dalka Venezuela u joogta Kenya Olga Fonseca ayaa laga helay maydkeeda guriga ay daganayd oo ku yaallay xaafada Runda ee magaalada Nairobi.

7/27/2012 7:54 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta oo Jimco ah hakaday shirkii ansixinta dastuurka oo geli lahaa maalitiisii saddexaad, iyadoo qarax khasaare geystay lagu weeraray bar-koontarool oo laga ilaaliyo goobta uu shirku ka socdo.

7/27/2012 7:37 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ee gobollada Jubooyinka ayaa ku hanjabay in xoogagga Al-shabaab ay kala wareegi doonaan guud ahaan Jubooyinka kahor inta aan la gaarin 20-ka bisha fooda nagu soo heyso ee August.

7/27/2012 7:31 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in xalay hoobiyeyaal lagu weeraray goobta uu shirka ansixinta dastuurku ka socdo, kuwaasoo uu sheegay inaysan wax khasaare ah geysan.

7/27/2012 6:52 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay soo gaba-gabeeyeen wajigii koowaad ee howlgalladii ciidan ee ay ka wadeen magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, isagoo sheegay inuu billaabi doono wajiga labaad ee howgalkooda Soomaaliya.

7/27/2012 6:34 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Waxaa si rasmi ah galinkii danbe ee maalintii shalay oo Khamiis aheyd uga furmay magaalada Baladweyne Tartan kubadda cagta ah oo lagu maamusayo bisha Ramadaan.

7/27/2012 5:39 AM EST
Jimco, July, 27, 2012 (HOL)- Hogaanka Sare ee ururka Siyaasadeedka XAQSOOR Somaliland, ayaa soo dhoweeyey nabaddii uu ku dhawaaqay hogaamiyaha SSC Saleebaan Xago Toosiye, waxaanay ku baaqeen in nabadaasi la wada qaato, xukuumadana ugu baaqay inay baaqii nabadeed ee ay u jeediyeen reer Buuhoodle ay ficilkii ku daraan oo nabadaasi si weyn loo taageero.

7/27/2012 5:33 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL)- Dadweyne Cadhaysan ayaa shiid iyo dhagax ku weeraray maamulka dawladda Hoose ee degmadda Caynaba, waxaanay halkaasi dhaawac ka soo gaadhay maayarkii magaalada iyo masuuliyiin kale.

7/27/2012 4:47 AM EST
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Wasaaradda gaashaandhigga Britain ayaa xaqiijisay in koox yar oo ciidammo ah isla markaana caawinaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya.