4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Saraakiisha Dowladda KMG Soomaaliya ee Jubbooyinka oo sheegay inay duullaan ku yihiin Magaalada Kismaayo
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ee gobollada Jubooyinka ayaa ku hanjabay in xoogagga Al-shabaab ay kala wareegi doonaan guud ahaan Jubooyinka kahor inta aan la gaarin 20-ka bisha fooda nagu soo heyso ee August.

Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka Max'ed Daahir Faarax oo HOL la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda ay haatan ku jiraan diyaargarowgii ugu danbeeyay oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

"Dhawaan waxaan rajeyneynaa in weerar kama danbeys ah aan ku qaadno magaalada Kismaayo, waxaana ka weerari doonna cirka iyo dhulka," ayuu Afhayeenku hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalin kahor ay usoo dhamaadeen kulamo ay isugu yimaadeen saraakiisha dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya, kuwaasoo looga hadlayay sidii gacanta loogu dhigi lahaa guud ahaan gobollada Jubooyinka.

Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa siweyn looga dareemayaa xiisadaha dagaal ee ka soo cusboonaaday Jubooyinka, iyadoona dadka ku dhaqan goobaha ay maamusho Xarakada Al-shabaab ay walaac ka muujinayaan hanjabaadaha dagaal ee kasoo yeeray saraakisha dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan qeybo katirsan gobolka Jubada Hoose.

Dowladda Kenya ayaa hore u shaacisay in bisha August ee fooda nagu soo heyso ay gacanta ku dhigi doonto magaalada Kismaayo oo ah magaalo ay siweyn ugu xoogganyihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya