Axad, July 01, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay weerar ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ku dishay taliyihii ciidamada DKMG ah ee deegaankaas oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkan oo dhacay xalay ay ku qaadeen xerada agoonta Lafoole oo fariisin u ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaankaas.
"Mujaahidiintu waxay xalay weerareen xero agoon oo saldhig u ah ciidamada DF ee ku sugan halkaas, waxaana ku dilnay taliyihii ciidamadaas G/dhexe Bashiir Sheekh Maxamed iyo 13-askari oo kale," ayay yiraahdeen saraakiisha Al-shabaab u hadlay.
Dowlada Soomaaliya ayaan ka hadlin sheegashada Al-shabaab mana jirto cid kale oo madaxbanaan oo xaqiijinaysa sarkaalka iyo cidamada la dilay inkastoo dadka weli ku nool deegaanka Lafoole ay sheegeen in xalay uu dagaal culus ka dhacay xerada agoonta.
Xoogagga Al-shabaab ayaa tan iyo dhammaadkii bishii May oo lagala qabsaday deegaannada ku yaalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo weliba degmada Afgooye waxay weerarro ku qaadayeen fariisimo ay ciidamadu halkaas ka sameysteen.
Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa gacanta ku inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ku yaalla fariisimo ay ciidamadu ka sameysteen jidkaas oo ay ku yallaan xaafado ay sameysteen dadkii Muqdisho uga barakacay dagaallada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in sarkaal iyo ciidammo ka tirsan DKMG ah ay ku dileen Dagaal ka dhacay Deegaanka Lafoole
More News
- Xulka Spain oo ku guuleystay Koobka Qaaradda Yurub
- Munaasabadda 1-da Luulyo oo si weyn looga xusay Magaalda Eskilstuna ee dalka Sweden (SAWIRRO)
- Munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)
- Dabley hubeysan oo Waqooyiga Gaalkacyo ku Toogtay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Mudug ee Puntland
- Dabaaldagyada 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Nairobi, Taasoo ay ka qaybgaleen madax sare (DAAWO SAWIRRO)
- Faahfaahinno kasoo baxaya Weerarro khasaare badan geystay oo lagu qaaday Kaniisado ku yaalla Magaalada Gaarisa
- Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
- Madaxweynaha Somaliland oo Magaalada Dubia kula kulmay hoggaamiyihii Ururkii SSC, Saleebaan Xagla-Toosiye
- Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo ku Dagaalamay Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose
- Qarax khasaare geystay oo lala eegtay Kaniisado ku yaalla Magaalada Gaarisa
- Munaasabado lagu xusayay 1-da Luuliy oo xalay ka dhacay Gobollada Gedo, Bakool, Bay, Hiiraan iyo Shabeellooyinka
- Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan oo warqadihiisii aqoonsiga ku wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in haddii fikir mideysan la qaato laga gudbi karo dhibaatada hadda jirta