4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Madaxweynaha Somaliland oo Magaalada Dubia kula kulmay hoggaamiyihii Ururkii SSC, Saleebaan Xagla-Toosiye

Axad, July 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa kulan kula yeeshay hotelka uu ka degan yahay ee magaaladda Dubia hogaamiyihii SSC ee Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxweynaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu sheegay inay madaxweynaha ka wada hadleen sidii nabad iyo deganaasho loogu soo dabaali lahaa deegaanka Buuhoodle, isla markaana wax la qaybsan lahaayeen Somaliland.

"Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta ku qaabiley Qasriga uu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL, Hogaamiyaha Kooxdii SSC, Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xagla-toosiye)"ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi, waxaana intaas lagu daray "Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wada hadleen sidii deegaanada Buuhoodle iyo qaybo ka mida Sool loogu soo dabaali-lahaa nabad-gelyo buuxda oo taam ah".

"Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu waxay istu-seen isla markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka ee kale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-barashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida biyaha Iwm"ayuu raaciyey afhayeenka.

Sida uu afhayeenku sheegay waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu soo Af-jarayo khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da kula dar-daarmay inuu si dhakhso ah uga hawl-galo.

Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye) waxa uu balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidii khilaafka loo soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer Somaliland yihiin dad wada dhashay oo aan sinaba u kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wada qabsiga iyo wada jirka.

Kulankan ay wada yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Hogaamiyihii ururkii SSC ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ay wada yeesahaan, isla markaana si fool ka fool ah u wada hadlaan, waxaanu hogaamiyahan SSC Saleebaan Xagle Toosiye mudaba dagaal hubaysan kala soo horjeeday Somaliland, isagoo doonayey in deegaanadda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay ka madax banaanaato Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland