4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Xoogagga Al-shabaab oo xalay Weerar ku qaaday saldhigyo ay ciidamadda DKMG ah ku leeyihiin degmada Afgooye

Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weeraray laba saldhig oo ay ciidamada dowladda KMG ah ku lahaayeen degmada Afgooye, iyadoo la sheegay inay dhowr qof oo ka tirsan labada dhinac ku dhinteen dagaalkaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid aad u xoog badan socdayna muddo kooban, iyadoo aysan weli saraakiisha DKMG ah ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday degmada Afgooye.

Saldhigyada la weeraray ayaa waxay kala ahaayeen saldhig ku dhow koontaroolka laga galo degmada Afgooye ee Baar Ismaaciil iyo dugsigii sare ee degmadaas oo ah saldhig ay daggan yihiin ciidamada milateriga iyo kuwa nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya.

"Dagaalkii xalay wuxuu ahaa mid aad u xooggan, waxaana dhimasho iyo dhaawacyo ay kasoo gaareen afar qof oo shacab ah, kuwaasoo ay rasaasta habowga ah ugu tagtay guryahooda," ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ay Afgooye ku qaaday ay ka gaartay hadafkii ay ka lahayd, iyadoo uu imaanayo weerarkan xilli ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM shalay la wareegeen deegaanno ay uu ka mid yahay garoonkii diyaaradaha ee KM-50 ee gobolka Shabeellada Hoose.

Degmada Afgooye ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka Al-shabaab laga qabsaday bishii May ee sannadkan, markaasoo ay ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay ka duuleen Muqdisho si ay u qabsadaan Afgooye iyo inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay Al-shabaab awood badan ku lahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya