9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Dood-cilmiyeed ku saabsan mideynta Dhallinyarada oo lagu qabtay Magaalada Balad- weyne ee Xarunta Goblka Hiiraan

Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay lagu qabtay dood-cilmiyeed ay soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD isla markaana ay kasoo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee dhallinyarada, culummaa'udiin, waxgarad iyo haweenka deggen degmadaas iyo degaanada ku dhow-dhow.

Furitaanka doodda oo halku dhiggeedu ahaa: "Sidee lagu mideyn karaa dhallinyarada deggen magaalada Baladweyne?" ayaa waxaa ka qaygalay barayaal iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Baladweyne, kuwaasoo khudbado kala duwan u jeediyay in ka badan 150-dhallinyarada ah oo doodda goobjoog ka ahaa.

Xamdi Ismaaciil Maxamuud oo ka socotay haweenka dhallinyarada Baladweyne ayaa khudbad ay halkaasi ka jeedisay waxay si gaar ah uga hadashay halgamayaashii dalka soo maray taariikhdana baal-dahab ah ka galay ee iyagu intooda badan ku dhashay amaba ku noolaa magaalada Baladweyne, waxayna caddeysay in haddii ay dhallinyarada maanta dadaal muujiyaan ay la mid noqon karaan hoggaamiyeyaashaas.

Maxamed Axmed Faarax oo ka mid ah dhallinyarada Baladweyne ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka dood-cilmiyeedka wuxuu si qoto dheer uga hadlay qaabka lagu mideyn karo dhallinyarada gobolka Hiiraan, isagoo caddeeyay inay lagama maamrmaan tahay midnimada dhallinyarada taasoo uu sheegay inay ku gaari karaan horumar.

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cabdulle oo ka mid ah culumada Baladweyne ayaa isna khudbad dhinacyo badan oo uu halkaasi ka jeediyay wuxuu dhallinyarada gobolka Hiiraan ku boorriyay inay marka hore qabsadaan xarigga Alle, isla markaana ay ku walaaloobaan gobolka ay deggen yihiin, isla markaana meel kasta oo ay joogaan ay isku baheystaan inay yihiin dad reer Hiiraan ah oo aanay adeegsan qabiil iyo wixii la mid ah ee kala geynaya bulshada gobolka.

Dhinaca kale, Nuuraani Cadaawe oo halkaasi khudbad ka jeediyay wuxuu si gaar ah ula dardaarmay dhallinyarada degan magaalada Baladweyne, wuxuuna sheegay inay ka fogaadaan muqaadaraadka sida xashiishka, sigaarka, jaadka IWM, taasoo uu ku sheegay inuu dib u dhac ku keenayo mustaqbalkooda.

Gabagabadii doodda ayaa dhallinyarada kasoo qayb-gashay waxay u riyaaqeen munaasabadaha noocaan oo kale ah, wuxuuna ka codsaday Nuuraani Cadaawe Hay'adda CCD inay kordhiso doodaha dhexmara dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada Baladweyne si ay uga tashadaan aayahooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/5/2012 2:17 PM EST
Qaybo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool gobolka Minnesota oo qaybtay kulna ay ku Cambaareeyey dilkii marxuum Marshaale (Daawo)

8/5/2012 2:15 PM EST
Axad, August 05, 2012 (HOL) - Shirkii saxiixayaasha Roadmapka ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

8/5/2012 11:09 AM EST
Axad, August 05, 2012(HOL): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si heer sare ah ay u soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

8/5/2012 10:23 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012(HOL)— Habeenimaddii xalay ahayd waxaa magaalada London ka dhacdey xaflad afur iyo casho sharaf isugu jirta oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee London,xafladaas ayaa waxaa loo suubiyey wafdigii kasocdey olymbikada Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gudigga olymbikada Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jiray laba ciyaartoy ah iyo masuuliyiintii kale ee lasocotay.

8/5/2012 9:55 AM EST
Axad, Agoosto, 05, 2012 (HOL) -- Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan tartan Qur’aan aqrsi ah oo ay ku tartamayeen arday laga soo kala xulay dugsiyada quraanka ku kala yaala xaafaddaha magaalada kuwaasoo ka koobnaa ilaa 80 arday.

8/5/2012 9:31 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Wararka aan ka helay degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in boqolaal askari oo AMISOM ah la geeyay degmadaas, kuwaasoo ku biiraya 100-askari oo horraantii sannadkan la geeyay degmadaas.

8/5/2012 8:07 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee DKMG ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa sheegay in degmada Huriwaa uu maanta ka dhacya qarax ay ku dhinteen labadii qof ee dhigayay.

8/5/2012 8:00 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Kulan ay ka soo qayb-galeen saxafiyiin ka kala socday qaybaha warbaahinta iyo fannaaniinta ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo kulankan ahaa mid looga hadlayay sababaha xilligan loo beegsanayo wariyeyaasha iyo fannaaniinta.

8/5/2012 7:42 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ka jira ee Hormuud, Golis iyo Telesom iyo xawaalada Tawakal ayaa si wadajir ah u bilaabay adeegyo loogu magac-daray Zaad iyo Sahal, kuwaasoo ah hab teleefoonka gacanta oo lacagta la isugu gudbinayo.

8/5/2012 7:36 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Shirkada Dahabshiil ayaa maanta oo Axad ah gaarsiisay deeq xoolo nool ah (Ari) bukaanada ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

8/5/2012 7:00 AM EST
Axad, August 05, 2012 (HOL) - Kadib khilaafaad soo dhex galay madaxda Soomaalida oo maalintii labaad uu Nairobi uga socday shirkii saxiixayaasha Roadmapka, maalin kadib markii ay la kulmeen Hillary Clinton ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka baxay shirka.

8/5/2012 3:10 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weeraray laba saldhig oo ay ciidamada dowladda KMG ah ku lahaayeen degmada Afgooye, iyadoo la sheegay inay dhowr qof oo ka tirsan labada dhinac ku dhinteen dagaalkaas.

8/5/2012 3:06 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Baaadir maareeyihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Ibraahim Imaam Xalane, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inuu ka baxsadaan goobta.