6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2012
Ururka Midowga Afrika oo sheegay in AMISOM aysan Faragelin ku sameyn doonin Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa sheegtay in ciidamadooda AMISOM aysan wax faragelin ah ku sameyn doorashada madaxnimo ee Soomaaliyaaa, taasoo lagu wado inay dhacdo maalinta Isniinta ah ee soo socota, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay dib u dhici karto.


Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka ururka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya oo hadalkan sheegay ayaa intaas ku daray in AMISOM ay gacan ka geysanayso oo keliya sugidda ammaanka Muqdisho inta ay doorashadu socoto.

"Murashaxiinta waxaan ku dhiirrigelinaynaa inay diiradda saaraan sidii ay wax uga bedeli lahaayeen mustaqbalka dalkooda, ayna u soo celin lahaayeen nabadda iyo sharciga," ayuu yiri Wamunyinyi.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay inaysan u ogolaanayn in doorashada faragelin looga sameeyo dibadda, isagoo inay rajo weyn ka qabaan in doorashadu ay dhacdo bishan Ogoosto 20-keeda oo horay loo iclaamiyay.

"Ciidammo dheeraad ah oo AMISOM ka tirsan ayaa Muqdisho la geeyay si ammaanka caasimadda ay u xaqiijiyaan inta ay doorashadu socoto," ayuu Wafula hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin murashax ay la jirto, balse ay howshoodu tahay inay abuuraan jawi nabadeed oo ay doorashooyin ku dhacaan isagoo xusay in murashaxiinta muhiimka ah ay ku taageerayso gaadiidkeeda gaashaaman murashax walba oo u baahda gacan qabasho dhinaca ammaanka ah.

"Ma jirto cid gaar ah oo ay AMISOM la jirto, balse waxay diyaar u tahay inay kaalin weyn ku yeelato sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka Muqdisho, mana jirto cid aan gaar ula safannahay," ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Xaamud oo saxaafadda la hadlayay maanta oo Jimco ah.

Waa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan Midowga Afrika uu sheego inaysan wax faragelin ah ku sameyn doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo ay u taagan yihiin in ka badan 25-murashax iyo kuwo kale oo wada inay murashaxnimadooda ugu ku dhawaaqmaan maalmahan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan in ka badan 15,000 oo askari oo AMISOM ah kuwaasoo ka socda dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, Burundi iyo Sierra Leone, waxayna caawiyaan dowladda KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/17/2012 8:26 PM EST
Sabti, August 18, 2012(HOL): Xaflad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu taageerayay musharraxa Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, aqoonyahanno, haween, siyaasiyiin, odayaal, culimo, dhallinyaro iyo ururrada bulshada rayidka oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan ee dalka Sweden ayaa waxay dhacday Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

8/17/2012 3:01 PM EST
Jimo, Agoosto 17, 2012 (2012)Guddiga Farsamada ee xulista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gudbiyey 202 xildhibaan, waxaana dhiman 73 xubnood oo laga sugayo in ay odayaal dhaqameedka u soo gudbiyaan guddiga farsamada. Beeshad Shanaad - 23 Digil iyo Mirifle - 49 Darood - 40 Hawiye - 37

8/17/2012 10:37 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay shaqada guddiga farsamada iyo xulitaanka xildhibaannada baarlamaanka iyo weliba dhammeystirka marxaladda KMG ah, kaddib kulan uu la qaatay ergayga qaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya dajire Augustine Mahiga.

8/17/2012 10:06 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Dhallinyaro ka kala yimid dalalka UK iyo Canada oo maalmahan fasax ku joogay Soomaaliya ayaa hay’adda iskuxirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaliyeed ee SOYDEN fursad u siisay inay dhalinyaradaas ku boodaan xarunta lagu tababaro.

8/17/2012 9:50 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa magacyada xubno dhawaan ay guddiga xulista xidlhibaannadu dib u soo celiyeen ayaa iska fogeeyay inuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya.

8/17/2012 9:50 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Hay’adda Qalam oo ka mid ah hay'adaha dhinaca samafalka ka shaqeeya ayaa waxay maanta oo Jimco gaarsiisay boqolaal qoys oo ku nool gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay raashin sakaatul Fidri ah.

8/17/2012 9:22 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa la sheegay inuu bixiyay amar lagu soo xiray gacan-yaraha ugaaska Beesha Tunni oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, kaasoo horay logoa saaray shirka odyaasha dhaqanku ay ku leeyihiin Muqdisho.

8/17/2012 8:29 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xoogag Xarrakada Al-shabaab ee gacanta ku haya maamulka degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan la wareegeen gadiid siday raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka ku dhibateysan qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan.

8/17/2012 8:26 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — In ka badan 10-hay'adood oo ka mid ah kuwa samafalka Turkiga ayaa uga baxay Muqdisho sababo la xiriira xilliga kala guurka ah ee lagu jiro, balse waxaa weli ku sugan Muqdisho afar hay'adood oo ka shaqeynaya dib u dhiska iskuullada, xarumaha dowladda iyo caafimaadka.

8/17/2012 8:23 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta dhoolatus ku sameeyay waddooyinka Muqdisho qaar ka mid ah, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo booliiska AMISOM ay maraan waddooyinkaas.

8/17/2012 6:59 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Hay'adda caalamiga ah ee laan-qayrta cas (ICRC) ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay 420,000 qof oo ku nool Muqdisho ay u qaybisay gargaar bani'aadamnimo.

8/17/2012 4:46 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Saraakiil u hadashay xoogagga Al-shabaab iyo Kenya ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Faafaxdhuun ee gobolka Gedo.