Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta dhoolatus ku sameeyay waddooyinka Muqdisho qaar ka mid ah, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo booliiska AMISOM ay maraan waddooyinkaas.
Isgoyskada magaalada Muqdisho qaarkood ayay muddo kooban joogeen booliiska iskaashanaya oo watay gaadiid gaashaaman, waxaana saraakiisha dowladda ay sheegeen in socodkaan uu hordhac u yahay diyaargarow lagu adkaynayo ammaanka Muqdisho.
"Ciidamada booliiska ee AMISOM iyo kuwa DKMG ah oo ay wehlinayeen kuwa nabad-sugidda dowladda ayaa maanta socod kusoo maray jidadka Muqdisho qaar ka mid ah, waxay ugu diyaar-garoobayeen sidii ay ammaanka u xoojin lahaayeen marka la gaaro xilliga doorashooyinka," ayuu yiri agaasimaha hay'adda nabadsugidda dowladda KMG ah, Axmed Macallin Fiqi oo saxaafadda la hadlay.
Agaasimuhu wuxuu hadalkiisa ku daray inay isgoysyada qaarkood ciidamadu ka sameeyeen howgallo ay kaga hortagayeen falal ammaanka wax lagu yeelayo, balse ma sheegin cid lagu qabtay iyo qalab lagu soo qabtay howgalladaas.
Ciidammo dalka Uganda oo hordhac u ah booliiska AMISOM ayaa dhawaan soo gaaray Muqdisho kuwaasoo tiradoodu gaarayso 140-askari, waxaana la sheegay inay ka howgalayaan saldhgiyada gobolka Banaadir.
Dhoolla-tuska ay booliiska AMISOM iyo kuwa DKMG ah ku sameeyeen Muqdisho ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli diyaargarow xooggan loogu jiro doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo dhawaan ka dhacaysa Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Booliiska AMISOM iyo Booliiska Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo maanta socod ku maray Waddooyinka Muqdisho Qaarkood
More News
- Xaflad lagu taageerayay Murashax Dr C/raxmaan Baadiyow oo lagu qabtay Magaalada Stockholm (SAWIRRO)
- Liiska Xubnaha Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjire Mahiga oo kulmay hadalna soo saaray
- Dhallinyaro Qurbaha ka timid oo booqday Xarun lagu Tababaro Dhallinyaro dagaalladu ay saameyn ku yeesheen
- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo iska diiday inuu ka mid yahay Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya
- Hay'adda gargaarka Qalam oo Raashin Sakaatul Fidri ah u qaybisay Boqolaal Qoys oo ku nool Baydhabo iyo Hareeraheeda
- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo bixiyay amar lagu soo xiray Gacan yarihii Suldaanka beesha Tunni
- Xarrakada Al-shabaab oo la wareegtay gadiid siday raashin gargaar ah oo loo waday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan
- Hay'adihii Samafalka ee dalka Turkiga oo intoodii badnaa Xilliga Kala-guurka Awgiis uga baxay Magaalada Muqdisho
- Hay'adda Laanqeyrta Cas ee ICRC oo Gargaar Cunno ah u qaybisay 420,000 oo Qof oo ku nool Magaalada Muqdisho
- Ururka Midowga Afrika oo sheegay in AMISOM aysan Faragelin ku sameyn doonin Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya
- Ururka Al-shabaab iyo Kenya oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Faafax-dhuun ee Gobolka Gedo