4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2012
Xaflad lagu taageerayay Murashax Dr C/raxmaan Baadiyow oo lagu qabtay Magaalada Stockholm (SAWIRRO)


Sabti, August 18, 2012(HOL): Xaflad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu taageerayay musharraxa Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow)  oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, aqoonyahanno, haween, siyaasiyiin, odayaal, culimo, dhallinyaro iyo ururrada bulshada rayidka oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan ee dalka Sweden ayaa waxay dhacday Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Xafladdaas ayaa lagu bandhigay taariikh nololeedka Dr. Abdirahman Baadiyow, heerkiisa aqooneed iyo waxqabadkiisa, barnaamijkiisa siyaasaseed ee mudnaanta siinaya  Dowlad wanaagga; Arrimaha amniga, sharciga iyo kala danbeynta, adeegyada bulshgada; soo nooleynta  iyo kobcinta dhaqaalaha; arrimaha gurba-joogta; iyo siyaasadda arrimaha dibadda.


Waxaa xusid mudan in musharraxu kaga qeybqaatay xafladda taleefoon una si kooban uga hadlay qeyba ka mida barnaamijkiisa siyaasadeed, waxaa su’aalo weydiiyay dadkii xafladda ka soo qeybgalay. Waxaa halkaa ha hadlay qaar kamida kasoo qeybgalayaashii oo halkaasi kasoo jeediyay erayo qiiro leh oo lagu taageerayo musharaxa.

Dr. Hiraabe oo ka mid ah aqoonyahankii munaasabadda ka qeybgalay ayaa sheegay in Dr. Baadiyow uu yahay shakhsi aqoon leh, ahlu diin ah oo 20-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeynayay dalka, waxqabad la taaban karana, isagoo xusay in xilka uu isu soo taagay Dr. Baadiyow uu yahay waajib diini ah oo lagu badbaadinayo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadashay Sahra Barqadle oo xubin firfircoon ka ah bulshada rayidka isla markaana aqoon u leh Dr. Baadiyow. Sahra waxaa ay sheegtay in Dr. Baadiyow uu wax badan u soo qabtay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, “Dad waxaa ugu wanaagsan qofkii dad dhisa, waxaana halkaan iyo meela kaleba kula kulmay dadkii uu dhisay Dr. Baadiyow. Haddii aan baarlamaanka ka mid ahaan lahaa waxaan dhihi lahaa hala doorto aqoonyahannada sida Dr. Baadiyow”.


Gaashaanle sare Mustafa Diini oo ay ciidamada isla ahaayeen Musharraxa, aqoon dheeraad ahna u leh ayaa qiiro leh u yiri “Dr. Baadiyow waa nin ku haboon howshaan, yimidna waqtigii habboonaa, booskii kuu haboonaana jooga, isla markaana ay u caddahay waddadii uu u mari lahaa”.

Eng. Abuukar  Xasan oo ay wax soo wada barteen Dr. Baadiyow, aqoon dheeraad  ahna u leh illaa iyo yaraantiisii ayaa wax ka sheegay waxqabadkii musharaxa 20-kii sano ee burburka, gaar ahaan dhanka waxbarashada. “Annaga oo ka walwalsan waxbarashada ilmaheenna iyo meel aan geyno ayuu u abuuray ilmaheenna waxbarasho illaa heer jamacadeed”ayuu yiri Eng. Abuukar.


Waxaa xafladda ka hadlay akhyaar kale, weliba waxaa dhanka Skype-ka uga qeybqaatay aqoonyahanno iyo dhallinyaro isgu jira rag iyo dumar oo ku nool dalka Norway, kuwaasi oo iyagana muujiyay dareenkooda iyo taageeradooda musharraxa.

Xafladdaan ayaa guud ahaan ku dhacday kuna soo gabagabowday jawi farxad leh, kasoo qeybgalayaashuna waxay fursad u heleen sharraxaadda barnaamijka siyasadeed ee musharraxa  Dr. Baadiyow.