Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Saraakiil u hadashay xoogagga Al-shabaab iyo Kenya ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Faafaxdhuun ee gobolka Gedo.
Dagaalkii shalay oo ahaa mid aad u xooggan islamarkaasina qaatay saacado badan ayaa yimid kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen deegaanka Faafaxdhuun.
Afhayeenka Militariga Kenya ee howlgalka ka wada Soomaaliya Emanueal Chirchir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, isagoona sheegay in ay u geysteen khasaarooyin lixaad leh islamarkaasina ay ka dileen ilaa 80-askari.
“Al-shabaab waxay soo weerareen Faafaxdhuun, waxaan ka burburinay sided gaari oo tikniko ah, in ka badan 100 qori nooca AK47-ka ahna waan ka qabsannay,” ayuu yiri Afhayeenka.
Dhinaca kale afhayeenka dhanka howlgallada ee Al-shabaab Sheekh Abuu Muscab oo warbaahinta lahadlay ayaa isna sheegay in dagaalkii shalay ay ciidamada Kenya uga dileen ilaa 60 askari tiro intaa ka bandanna ay ka dhaawaceen, isagoona sheegay in sidoo kale ay dagaalkaasi ku gubeen ilaa shan gaadiid oo nooca dagaalka ah.
Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in dhankooda ay dagaalkaasi uga dhinteen ilaa 17 askari, wuxuuna xusay in ciidamada Kenya ay jab xooggan ugu geysteen dagaalkii shalay.
Illa imika ma jiraan ilo madax bannaan oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, haseyeeshee warar ku dhow dhow halka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in dagaalkii shalay uu ahaa mid aad u culus islamarkaasina ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka fudfudud iyo madaafiic.
Ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa dowladda KMG ayaa waxa ay ku suganyihiin qeybo badan oo katirsan gobolka Gedo halkaasoo ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab kadib dagaallo culus oo ay la galeen.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Ururka Al-shabaab iyo Kenya oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Faafax-dhuun ee Gobolka Gedo
More News
- Xaflad lagu taageerayay Murashax Dr C/raxmaan Baadiyow oo lagu qabtay Magaalada Stockholm (SAWIRRO)
- Liiska Xubnaha Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjire Mahiga oo kulmay hadalna soo saaray
- Dhallinyaro Qurbaha ka timid oo booqday Xarun lagu Tababaro Dhallinyaro dagaalladu ay saameyn ku yeesheen
- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo iska diiday inuu ka mid yahay Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya
- Hay'adda gargaarka Qalam oo Raashin Sakaatul Fidri ah u qaybisay Boqolaal Qoys oo ku nool Baydhabo iyo Hareeraheeda
- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo bixiyay amar lagu soo xiray Gacan yarihii Suldaanka beesha Tunni
- Xarrakada Al-shabaab oo la wareegtay gadiid siday raashin gargaar ah oo loo waday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan
- Hay'adihii Samafalka ee dalka Turkiga oo intoodii badnaa Xilliga Kala-guurka Awgiis uga baxay Magaalada Muqdisho
- Booliiska AMISOM iyo Booliiska Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo maanta socod ku maray Waddooyinka Muqdisho Qaarkood
- Hay'adda Laanqeyrta Cas ee ICRC oo Gargaar Cunno ah u qaybisay 420,000 oo Qof oo ku nool Magaalada Muqdisho
- Ururka Midowga Afrika oo sheegay in AMISOM aysan Faragelin ku sameyn doonin Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya