4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2012
Hay'adda gargaarka Qalam oo Raashin Sakaatul Fidri ah u qaybisay Boqolaal Qoys oo ku nool Baydhabo iyo Hareeraheeda

Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Hay’adda Qalam oo ka mid ah hay'adaha dhinaca samafalka ka shaqeeya ayaa waxay maanta oo Jimco gaarsiisay boqolaal qoys oo ku nool gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay raashin sakaatul Fidri ah.

Raashinkan ayay hay'addu ugu talogashay in qoysaskan maalinta cidda ah oo ku beegan berri ay ku ciidaan, waxaana dadka sakada loo qaybiyay maanta ka mid ahaa dad ay hay'addu raashin u siisay bishan Ramadaan si ay ugu afuraan.

“Howshan samafalka ah waxaan billownay sannadkii 1998-kii tan iyo xilligaanna sidii ayay howshu u socotaa. Waxaana howshan billaabay Sheekh Ilyaan Cali Nuur oo hadda ku nool dalka Britain," ayuu yiri mas'uul ka tirsan oo dadkii sakada la siiyay la hadlayay.


Qoysaskii ka faa'iideystay sakaatul fidriga ayaa qaarkood waxay sheegeen inay uga mahad-celiyaan mas'uuliyiinta iyo howlwadeennada hay'adda raashin ay bishan Ramadaan siiyeen si ay ugu afuraan iyo sakaatul fidriga.

Hay'adda Qalam ayaa waxay bishan Ramadaan raashin ay ku afuraan siisay 880 ruux oo isugu jiray curyaamiin iyo indhoolayaal ku dhaqan gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya iyo 500-qoys oo barakacayaal ah.

Sidoo kale, hay'addu waxay 2,000 oo dollar ugu deeqday maamulka majidka jaamaca ah Baydhabo halkaasoo bishan Ramadaan afarin loogu sameeyo dadka aan helin karin inay afurka helaan.


Dhawaan ayay hay'addu dhar ay ku ciidaan iyo lacag u qaybisay indhoolayaal ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasoo isugu jiray dad waaweyn iyo caruur aan weli Qaan-gaarin.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya