4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Wasaarada Waxbarashada Somalia oo soo bandhigtay qalab casri ah (SAWIRRO)
Makiinad4.jpg

Sabti, August 11, 2012 (HOL) - Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa soo maanta soo bandhigtay makiinad casri ah oo loogu talagalay soo saarista shahaadooyinka asalka ah, si looga hortago shahaadooyinka faalsada ah ee aysan waxba ka ogayn dawlada Soomaaliya.
Makiinad.jpg
Makiinad casri ah oo lagu daabacayo shahaadooyinka dalka


U qabysanaha wasaarada waxbarashada Soomaaliya waddanka Kenya C/risaaq Maxaned Diiriye (Layloon) oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday si loo adkeeyo asal ahaanshaha shahaadooyinka Soomaaliya, xilli uu waddanku ka baxayo xaalada kalaguurka ah.

"Makiinadahan halkii xabo waxaa ku baxday lacag dhan 500, 000 oo shilinka Kenya ah, waxaanan ugu talagalnay in lagu daabaco shahaadooyinka qaranka oo hadda kadib noqonaya kuwo ay soo saarto oo kaliya wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya" ayuu yiri Layloon.

"Waxaa awal dhici jirtay in shahaadooyinka Soomaaliya oo faalso ah la sameeyo, laakiin shahaadooyinkan waa electronic, cid aan wasaarada waxbarashada ahayna ma samayn karto" ayuu sii raacshay.

Wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay dadaal ugu jirtay midaynta manhajka dalka iyo shahaadooyinka, taasoo ay kasoo horjeesteen qaar badan oo kamid ah iskuullada iyo jaamacadaha gaarka loo leeyahay.

Waxaana saraakiisha wasaarada waxbarashadu ay sheegeen inay jiraan wadamo Soomaaliya gacan ka siinaya qalabaynta wasaarada waxbarashada iyo tayaynta maamulkeeda ku aadan waxbarashada dalka.
Makiinad5.jpg
Makiinad2.jpg
Makiinad3.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya