Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay walaac xooggan ka qabaan habka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka digay in la musuq-masuqo qaabka xulista xildhibaannada.
Wakiilka ururka Midowga Yurub ee Bariga Afrika, Alex Rondos ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Midowga Yurub uu qabo walaac la mid ah midka ay qabaan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo IGAD, kaasoo la xiriira jiritaanka caga-juglayn, musuq-maasuq, eexasho iyo habab kale oo aan wanaagsanayn oo xulidda baarlamaanka lagu carqaladeynayo.
“Dhammaad xilliga KMG ah wuxuu fursad u yahay in hoggaanka cusub ee dalka uu sii ambaqaado horumarka siyaasadeed ee horay loo sameeyay, ayna Soomaaliya u gudbiyaan wejiga labaad ee safarka lagu doonayo in lagu helo nabad Soomaaliya ka dhalata," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu Midowga Yurub soo saaray.
Ururka Midowga Yurub ayaa arrintaas ka digay, iyagoo ku baaqay in xildhibaannada lagu soo xulo si mas’uuliyad leh. Iyadoo warmurtiyeedka EU-da lagu sheegay inay u soo dulqaateen shacabka Soomaaliyeed 20-sano oo dhibaato ah, kuwo kalena aysan u dulqaadan karin.
Mr. Alex ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka lasoo jeediyay ee laga qaadayo kuwa lagu helo inay ku lug leeyihiin falalka lagu carqaladeynayo hannaanka soo xulidda baarlamaanka.
Ugu dambeyn, wakiilka ururka Midowga Yurub ee dalalka Bariga Afrika, Alex Rondos ayaa sheegay in hoggaanka cusub ee loo dooran doono Soomaaliya looga baahan yahay inay dalka u maamulaan si hufan oo daacadnimo ay ku jirto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ururka Midowga Yurub oo Walaac ka muujiyay habka lagu soo xulsayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
More News
- Duqeymo Xooggan oo ku Socdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
- Wasaarada Waxbarashada Somalia oo soo bandhigtay qalab casri ah (SAWIRRO)
- Israsaaseyn Ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmartay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guddiga xulista xidhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in meel gabo-gabo ah uu marayo liiska xildhibaannada cusub
- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Goboleedka IGAD oo uga digay in la Musuqmaasuqo Xulista Xildhibaannada
- Waftiga Reer Buuhoodle iyo Somaliland oo ku heshiiyay in Ciidamada ku sugan Jiidda hore dib loosoo raro iyo in maxaabiista la siidaayo
- Mid ka mid ah Murashaxiinta u taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya oo ku hanjabay inay Mudaaharaadyo sameyn doonaan
- Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo Bilad Abaalmarin ah siiyay hay'ad Turki ah oo ka howlagasha Magaalada Muqdisho
- Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn ku ansixiyey wax ka bedelka xeerka doorashooyinka Somaliland
- Qoysas haysta ilmo agoon ah oo Magaalada Hargeysa oo loogu qaybiyay lacago si ay caruurtooda ugu ciidsiiyaan
- Dagaal Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho
- Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo laga dareemayo diyargarow loogu jiro Munaasabadda Ciidda