3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Waftiga Reer Buuhoodle iyo Somaliland oo ku heshiiyay in Ciidamada ku sugan Jiidda hore dib loosoo raro iyo in maxaabiista la siidaayo
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha SSC Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye ayaa isku afgartay qodobo la sheegay in lagu nabadaynayo deegaanka Buuhoodle ee baryihii u dambeeyey colaaddu ka taagnayd.

Madaxweynaha iyo weftigan reer Buuhoodle ayaa la sheegayaa inay ku heshiiyeen in maxaabiistii dagaalka lagu qabtay mudooyinkii uu dagaalka ka socday deegaanadda Buuhoodle la siiyo iyo in ciidanka Milatariga ee u dhow deegaanka Buuhoodle dib looga soo Raro.

 “ Weftigii Buuhoodle ka yimid ee tiradda badnaa ee ay hogaminayeen madax dhaqameedka iyo siyaasigoodda, wixii ay la yimaadeen ee nabad lagu gaadhi karo waa la isla ogolaaday, waana labaddii qodob ee soo qaadista ciidanka Sooljoogta laga soo qaado, oo la keeno aagan soke ee ilaa Qori lugud waa qodob xasaasi ah oo laga heshiiyey, dadkii lagu qabtay dagaaladda oo hadda ku jira Jiilashana waa la ogolaaday siindeyntoodda”ayuu yidhi wasiirka Gaashiga Somaliland Axmed X. Cali Cadamo oo BBC-da la hadlayey.

Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali Cadami ayaa sheegay heshiishkan ay la gaadheen weftiga reer Buuhoodle ay ku bedesheen nabadda iyo in deegaanku nabad ku soo noqdo “haddii la nagu amaano iyo haddii la nagu caayaba nabadda ayaanu dhaafsiisanay heshiishkan”ayuu yidhi Cadami.

 “maya, khaatumo cida ay la hadlayso waa dadka deegaanka waa cida u dhalatay deegaanka, nabad doonka iyo nabad diidka ayaa ku wada hadlaya,iyagayna hawshu u taala oo ku soo kala dhamaanaya, laakiin hawshaasi waxay u taallaa dadkaasi nabadda u soo maray ee jidka la isku taagay ee ka soo badheedhay oo geesinimo iyo Karaamadii nabadu lahayd ku soo jiidhay, waxay awood u leeyihiin in haddii ay nabad doontaan oo nabadu xagooda ka timaado taas uun baa hirgalaysa”ayuu kaga jawaabay wasiirka oo la waydiiyey waxay maamulka Khaatumo ee Buuhoodle ka taliya ula hadli waayeen.

Dhinaca kale, Saleebaaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa xalay kulan balaadhan la qaatay ardayda jamaacada Hargeysa dhigata ee ka soo jeedda gobolada Bariga, waxaanu ku guubaabiyey in nabadda la ilaaliyo xabad dambana ka dhicin deegaankaasi, isago uga xog waramay heshiishyadii ay la gaadheen xukuumadda Somaliland, waxaanu tilmaamay inay qodobadii muhiimka ahaa isla qaateen.

“Anagu halkan waxaan u nimid barnaamijka nabad cellen ah, Ilaahayba mahad iska leh oo waan ku guulaysanay, waxaan uga mahadnaqayaa halkan dhamaan intii isku xilqaantay ee xirgalisay barnaamijkaas, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Xukuumada iyo madaxweynaha Somaliland oo si geesinimo leh go’aankaas dhaxalgalka ah ee keeni kara horumarka iyo wadajirka buuxa qaatay”ayuu yidhi Saleebaan Xaglo toosiye oo la hadlayey ardayda.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan dhalinyarada ugu baaqayaa nabadaas la gaadhay inay ilaaliyaan, maadaama nabadu tahay iyaga rajadoodii iyo mustaqbalkoodii. idinka (ardayda)  waxaan idinku marti qaadayaa inaad timaadaan deegaamaadaas colaadoodii la soo afjaray inaad ku wareegtaan inaad wacyigalin buuxda siisaan dhalinyarada, halkaas joogta iyo inaad ugu baaqdaan, waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan”.

Xaglo Toosiye ayaa sheegay in la soo afjaray colaadii deegaankaasi ka tagnaa oo uu rajaynayo in aan xabad dambe ka dhicin, isagoo sheegay in dadka deegaanka ku nool ay yihiin dad wada dhashay oo aan marna kala tagi Karin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
8/11/2012 7:35 PM EST
Sabti, Agoosto 11, 2012 (HOL) -Diyaarado aan la garaneyn cid iska leh ayaa Caawa salaadii maqrib kadib duqeymo xooggan ku bilaabay magaalada Kismaayo, iyadoona gantaallada ay tuurayaan diyaaradahaasi ay ku dhaceen xaafado katirsan magaalada Kismaayo.

8/11/2012 1:23 PM EST
Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa soo maanta soo bandhigtay makiinad casri ah oo loogu talagalay soo saarista shahaadooyinka asalka ah, si looga hortago shahaadooyinka faalsada ah ee aysan waxba ka ogayn dawlada Soomaaliya.

8/11/2012 9:06 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in gudaha deegaankaasi ay israsaaseyn xooggan ku dhexmartay askar kawada tirsan ciidamada dowladda KMG ee gobolka Jubbada Hoose.

8/11/2012 8:57 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Guddiga xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay maanta inay meel garbo-gabo ah u marayso liiska xildhibaannada baarlamaanka soo soo socda ee Soomaaliya, iyagoo sheegay inay xubnahan ku jiraan kuwo aan buuxin shuruudihii laga doonayay ayna dib ugu celin doonaan oday dhaqameedyadii soo xulay.

8/11/2012 8:43 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen ayaa waxay ugu digeen siyaasiyiinta Soomaalida doonaya in lasoo xulo xubno iyaga taageersan.

8/11/2012 8:39 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Murashax ka mid ah kuwa u taagan doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku hanjabay inay qaban doonaan dibadbaxyo ay uga horjeedaan qorshha ay madaxda dowaldda KMG ah ku doonayaan inay ku hagaan doorashooyinka.

8/11/2012 7:46 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa billad abaalmarin ah guddoonsiiyay madaxa haya'dda safamlka ah ee Kisme Yok Mu oo ka mid ah hay'adaha Turkiga ee ka howglala Muqdisho.

8/11/2012 7:23 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn iskugu yimid ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedelkii iyo kaabistii lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.

8/11/2012 7:20 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay walaac xooggan ka qabaan habka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka digay in la musuq-masuqo qaabka xulista xildhibaannada.

8/11/2012 6:53 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Labaatan qoys oo ah agoomaha ku dhaqan xaafadda Daami ee magaaladda Hargeysa ayaa loo qaybiyey laba kun ($2000) oo doollarka Maraykank ah si caruurtaasi looga farxiyo maalinta Iidda, isla markaana ay ula iidi lahaayeen dadweynaha islaamka.

8/11/2012 3:41 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray xalay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

8/11/2012 3:36 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Iyadoo ay fooda nagu soo heyso ciidda barakeysan ee Ciidul Fidirga ayaa Diyaargarow aad u weyn oo ku aadan munaasabadaasi laga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.