4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Israsaaseyn Ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmartay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in gudaha deegaankaasi ay israsaaseyn xooggan ku dhexmartay askar kawada tirsan ciidamada dowladda KMG ee gobolka Jubbada Hoose.

Israsaaseyntan oo socotay qadar dadiiqado ah ayaa ka danbeeysay kadib markii askar katirsan ciidamada dowladda uu dhexmaray muran ka dhashay gaadiid qaad siday, iyadoona markii danbe uu murankaasi isu badalay in ciidamadu ay isu adeegsadaan rasaas.

Israsaaseynta dhexmartay ciidamada dowladda ayaa sababtay dhaawac soo gaaray qof rayid ah, mana jiraan khasaare kala gaaray dhinacyadii ay israsaaseyntu u dhexeysay.

"Magaalada gudaheeda ayay cabaar xabadda ka dhaceysay, markii hore waxaan moodnay in magaalada lasoo weeraray, hal qof ayaa ku dhaawacmay waxaana loola cararay isbitalka," sida waxa yiri Abdikadir Faarax oo kamid ah dadka deegaanka Dhoobleey.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in halkii lagu dagaalamay ay gaareen ciidamo katirsan kuwa maamulka deegaanka Dhoobleey islamarkaasina ay ku guuleeysteen in kala dhexgalaan dhinacyadii  dagaalamay.

Aalaaba  goobaha ay gacanta ku heyso dowladda KMG ayaa waxa ka dhaca iska-horimaadyo kuwan lamid ah, kuwaasoo sababa khasaarooyin soo gaara dad rayid ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya