3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Qoysas haysta ilmo agoon ah oo Magaalada Hargeysa oo loogu qaybiyay lacago si ay caruurtooda ugu ciidsiiyaan
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Labaatan qoys oo ah agoomaha ku dhaqan  xaafadda Daami ee magaaladda Hargeysa ayaa loo qaybiyey laba kun ($2000) oo doollarka Maraykank ah si caruurtaasi looga farxiyo maalinta Iidda, isla markaana ay ula iidi lahaayeen dadweynaha islaamka.

Qoysaskan agoonta ah ayaa waxa gacanta ku haya ururka Hiil oo saldhigiisu yahay wadanka Sweden,kuwaas oo shantii sanno ee u dambeeyey taageeri jiray qoysaskaasi, waxaanay ka bixiyaan lacagta waxbarashadda iyo nolosha kalaba.

Lacagtan loo qaybinayey qoysaskan danyarta ah ee beelaha Gabooye ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotey Ururka Hiil, guddida Xaafada, Boqorro, Salaadiin, Cuqaal, iyo sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada.

Ururkan HIIL ayaa sheegay inay lacagtan ay ugu tallogaleen inay caruurta ka farxiyaan oo aanay u dareemin aabo la’aanta, waxaana Shiine oo ku hadlayey afka ururkan sheegay inuu mustaqbalka ku tallo jiraan inay agoomaha ku dhaqan xaafadan Daami ay u samayn lahayeen iskuul u gaar ah oo ay wax ka bartaan.

Waxaanu bulshada Soomaalidu ugu baaqay inay barnaamijkan khayriga ah ee lagu caawinayo agoontaas ay ka qaybgalaan oo ay taageer, isagoo sheegay in lacagtani ay iyaga dhexdoodu iska ururiyeen ee aanay cid kale ka helin ama ku caawin.

 “ waxaan xasuustaa Awlaadayda Daranyadii iyo Diiftii haysatay 5 sanno ka hor, waayo waxay wada ahaayeen kuwo aan haysan Waxbarasho waxay wada joogeen xaafada, waxaan ku hamiyi jiray mararka qaar inaan ka dhigo Baalashlayaal si ay ugu soo helaan nolol maalmeedka qoyska, laakiin Alle fadligiisa waxaa hamigaygaas meesha ka saaray Ururka hiil oo hadda dhamaantood waxa ay wada dhigtaan Dugsiga Nuradiin iyo Madaariska Aflax iyagoo meel fiican ka maraya, waxbarashada teeda diiniga ah iyo teeda maadiga ahba, waxaanay Inanteyda ugu yar caruurtu hadda korka ka haysaa 10 jis oo Qur,aan ah”ayey tidhi Hooyo Saado Diiriye oo ka mid ah qoysaska ay kafaalo qaaday ururkan HIIL oo ka waramaysay marxaladii ay caruurteedu soo martay ka hor inta aanay kafaalo qaadin ururkan.

Barkhad Jaamac Xirsi oo ah Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshadda, ayaa ugu baaqay in  Xukuumada, Shacabka, Iyo waliba ganacsatadu  Xil gaar ah iska saaraan adeega ilaha Bulshada gaar ahaan kuwooda liita, waxaanu la lataliyaha madaxweynuhu balan qaaday iney sidii hore iyo si ka fiicanba ula shaqeyn doonaan Ururka Hiil. Waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay cidii wax u tartan agoonta ee ka qaybqaatada mashruucan uu janno ku helayo ilaahayna ugu dhowaanayo.

Gaadhsiinta lacagtan qoysaskan agoonta waxa hadalo ka soo jeediyey Boqor Axmed Ugaas Iman Warasame, Suldaan Daakir Xassan Khaliif Iyo Gudoomiye Xassan Sheikh Maxamed, iyagoo dhamaantood u mahad celiyey xilka iska saareen  Ururuka Hiil, waxaanay cuqaashu bulshadda soomaalidda ka codsadeen inay taageeraan mashruucan wax loogu qabanayo agoomaha, sidoo kale waxay usoo jeediyeen in lala dagaalamo Takoorka oo dadka laga wacyigeliyo dhaqankan xun ee dadka walaalaha ah lagu kala saarayo.

Beelaha Gabooye ayaa mudooyinkii u dambeeyey u jeestay horumarinta dhalinyarada, iyagoo dugsiyo badan u sameeyey, halka qaarkoodna jaamacadaha kala duwan ee dalka ka soo baxeen, waxaana dhowaan dhismihiisa la bilaabay dugsi weyn oo loogu magacdaray Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi oo laga hirgalinayo xaafadda Daami oo ay degan yihiin beelaha Gabooye.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
8/11/2012 7:35 PM EST
Sabti, Agoosto 11, 2012 (HOL) -Diyaarado aan la garaneyn cid iska leh ayaa Caawa salaadii maqrib kadib duqeymo xooggan ku bilaabay magaalada Kismaayo, iyadoona gantaallada ay tuurayaan diyaaradahaasi ay ku dhaceen xaafado katirsan magaalada Kismaayo.

8/11/2012 1:23 PM EST
Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa soo maanta soo bandhigtay makiinad casri ah oo loogu talagalay soo saarista shahaadooyinka asalka ah, si looga hortago shahaadooyinka faalsada ah ee aysan waxba ka ogayn dawlada Soomaaliya.

8/11/2012 9:06 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in gudaha deegaankaasi ay israsaaseyn xooggan ku dhexmartay askar kawada tirsan ciidamada dowladda KMG ee gobolka Jubbada Hoose.

8/11/2012 8:57 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Guddiga xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay maanta inay meel garbo-gabo ah u marayso liiska xildhibaannada baarlamaanka soo soo socda ee Soomaaliya, iyagoo sheegay inay xubnahan ku jiraan kuwo aan buuxin shuruudihii laga doonayay ayna dib ugu celin doonaan oday dhaqameedyadii soo xulay.

8/11/2012 8:43 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen ayaa waxay ugu digeen siyaasiyiinta Soomaalida doonaya in lasoo xulo xubno iyaga taageersan.

8/11/2012 8:42 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha SSC Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye ayaa isku afgartay qodobo la sheegay in lagu nabadaynayo deegaanka Buuhoodle ee baryihii u dambeeyey colaaddu ka taagnayd.

8/11/2012 8:39 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Murashax ka mid ah kuwa u taagan doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku hanjabay inay qaban doonaan dibadbaxyo ay uga horjeedaan qorshha ay madaxda dowaldda KMG ah ku doonayaan inay ku hagaan doorashooyinka.

8/11/2012 7:46 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa billad abaalmarin ah guddoonsiiyay madaxa haya'dda safamlka ah ee Kisme Yok Mu oo ka mid ah hay'adaha Turkiga ee ka howglala Muqdisho.

8/11/2012 7:23 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn iskugu yimid ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedelkii iyo kaabistii lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.

8/11/2012 7:20 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay walaac xooggan ka qabaan habka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka digay in la musuq-masuqo qaabka xulista xildhibaannada.

8/11/2012 3:41 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray xalay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

8/11/2012 3:36 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Iyadoo ay fooda nagu soo heyso ciidda barakeysan ee Ciidul Fidirga ayaa Diyaargarow aad u weyn oo ku aadan munaasabadaasi laga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.