Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Guddiga xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay maanta inay meel garbo-gabo ah u marayso liiska xildhibaannada baarlamaanka soo soo socda ee Soomaaliya, iyagoo sheegay inay xubnahan ku jiraan kuwo aan buuxin shuruudihii laga doonayay ayna dib ugu celin doonaan oday dhaqameedyadii soo xulay.
Prof. Cabdullaahi Xiirey oo ah la guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay inay hayaan illaa iyo hadda 220 xubnood ayna sugayaan maanta in tiradu ay kusoo dhameystiranto, iyadoo ay muranno xooggan u dhexeeyaan beelaha Soomaalida.
"Illaa hadda waxaan haynaa magacyada 220-xubnood, inta maanta ka dhimmanna waxaan rajeynaynaa in la soo dhameystiro xubnaha dhiman. Sidoo kale waxaa socda kala shaandheynta xildhibaannada lasoo gudbiyay" magacyadooda ayuu yiri Prof. Xiireey oo la hadlay warbaahinta.
Waxaa lagu waday in guddigu uu maanta ku dhawaaqo magacyada xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, balse waxaa weli jira dib u dhacyo, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan guddigu ugu dhawaaqi doono magacyada xubnaha soo gaaray.
Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa waxay isku haystaan xildhibaannada la xulay, waxayna qaarkood sheegayaan in si aan sharci ahayn loo xulay, halka kuwo kalena ay sheegayaan in booskoodii lagu badalay dad aan iyaga kasoo jeedin.
Xarunta guddiga ayaa waxaa ka jira buuq weyn iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin duqeyn fara badan oo qaarkood cabanaya, waxaana ammaanka goobtaas aad u adkeynaya ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu doorto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya 20-ka bishan Ogoosto oo ay naga xigto sagaal maalmood oo keliya, iyadoo ka hor inta aysan howshooda billaaban la dhaarin doono sida ay sheegeen guddiga xulista baarlamaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddiga xulista xidhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in meel gabo-gabo ah uu marayo liiska xildhibaannada cusub
More News
- Duqeymo Xooggan oo ku Socdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
- Wasaarada Waxbarashada Somalia oo soo bandhigtay qalab casri ah (SAWIRRO)
- Israsaaseyn Ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmartay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose
- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Goboleedka IGAD oo uga digay in la Musuqmaasuqo Xulista Xildhibaannada
- Waftiga Reer Buuhoodle iyo Somaliland oo ku heshiiyay in Ciidamada ku sugan Jiidda hore dib loosoo raro iyo in maxaabiista la siidaayo
- Mid ka mid ah Murashaxiinta u taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya oo ku hanjabay inay Mudaaharaadyo sameyn doonaan
- Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo Bilad Abaalmarin ah siiyay hay'ad Turki ah oo ka howlagasha Magaalada Muqdisho
- Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn ku ansixiyey wax ka bedelka xeerka doorashooyinka Somaliland
- Ururka Midowga Yurub oo Walaac ka muujiyay habka lagu soo xulsayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
- Qoysas haysta ilmo agoon ah oo Magaalada Hargeysa oo loogu qaybiyay lacago si ay caruurtooda ugu ciidsiiyaan
- Dagaal Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho
- Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo laga dareemayo diyargarow loogu jiro Munaasabadda Ciidda