Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa billad abaalmarin ah guddoonsiiyay madaxa haya'dda safamlka ah ee Kisme Yok Mu oo ka mid ah hay'adaha Turkiga ee ka howglala Muqdisho.
Shariif Sheekh ayaa hay'addan ku amaanay dadaal badan oo ku bixisay sidii ay u caawin lahayd shacabka Soomaaliyeed tan iyo sannadkii hore, markaasoo ay dalka ku dhufteen abaaro sababay macluul ayna dad badan u dhigeen.
"Hay'adda samafalka ee Kisme Yok Mu waxay dalka timid xilli ku habboon oo baahi weyn aan u qabnay," ayuu yiri madaxweyne Shariif oo sheegay in sidoo kale ay hay'adaha kale ee Turkigu iyaguna muujiyeen dadaal dheeraad ah.
Sannadkii hore ayaa waxaa Muqdisho soo gaaray hay'ado fara badan oo ka socda dalka Turkiga, kuwaasoo u yimid sidii ay gacan u siin lahaayeen dad fara badan oo ay abaaruhu kasoo barakiciyeen deegaannadooda kuwaasoo ku jiray xeryo ku yaalla Muqdisho.
Abaalmarinta oo la guddoonsiiyay madaxa hay'adda Kisme Yok Mu, Orhan Erdogan ayaa waxay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya Jimcihii shalay, iyadoo ay halkaas ku sugnaayeen qaar ka mid ah howl-wadeennada hay'adda.
Hay'addan oo muddo hal sano ah ka shaqeynaysay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxay furtay laba iskuul, iyadoo sidoo kale 600 arday Soomaaliyeed ah ugu qaaday dalka Turkiga waxbarasho iyo inay ku caawisay shacabka Soomaaliyeed gargaar kala duwan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo Bilad Abaalmarin ah siiyay hay'ad Turki ah oo ka howlagasha Magaalada Muqdisho
More News
- Duqeymo Xooggan oo ku Socdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
- Wasaarada Waxbarashada Somalia oo soo bandhigtay qalab casri ah (SAWIRRO)
- Israsaaseyn Ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmartay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guddiga xulista xidhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in meel gabo-gabo ah uu marayo liiska xildhibaannada cusub
- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Goboleedka IGAD oo uga digay in la Musuqmaasuqo Xulista Xildhibaannada
- Waftiga Reer Buuhoodle iyo Somaliland oo ku heshiiyay in Ciidamada ku sugan Jiidda hore dib loosoo raro iyo in maxaabiista la siidaayo
- Mid ka mid ah Murashaxiinta u taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya oo ku hanjabay inay Mudaaharaadyo sameyn doonaan
- Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn ku ansixiyey wax ka bedelka xeerka doorashooyinka Somaliland
- Ururka Midowga Yurub oo Walaac ka muujiyay habka lagu soo xulsayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
- Qoysas haysta ilmo agoon ah oo Magaalada Hargeysa oo loogu qaybiyay lacago si ay caruurtooda ugu ciidsiiyaan
- Dagaal Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho
- Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo laga dareemayo diyargarow loogu jiro Munaasabadda Ciidda