3/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo laga dareemayo diyargarow loogu jiro Munaasabadda Ciidda

Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Iyadoo ay fooda nagu soo heyso ciidda barakeysan ee Ciidul Fidirga ayaa Diyaargarow aad u weyn oo ku aadan munaasabadaasi laga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Goobaha laga dareemaya digaargarowga ku aadan ciidda ayaa waxaa kamid ah Suuqa weyn ee dharka lagu iibiyo ee loo yaqaan Balcadka, goobaha dharka lagu tolo ee loo yaqaan (Dawaarleyaasha) iyo weliba meelaha lagu sameeyo cuntooyinka macmacaanka.

Suuqa dharka ee magaalada Kismaayo ayaa lagu arkayaa waalidiin caruurtooda u adeegaya,dhalinyaro iyo dumar ku mashquulsan sidii ay u iibsan lahaayeen dhar qurxoon oo ay ku labistaan maalinta ciidda.

Sidoo kale diyaargarow kan lamid ah ayaa laga dareemaya degmooyinka kale ee gobollada Jubooyinka, sida degmooyinka Afmadow, Jamaame, Jilib, Bu’aale iyo Badhaadhe, waxaana dadka ku dhaqan halkaasi ay ku mashquulsanyihiin sidii ay farxad uga qeybqaadan lahaayeen munaasabadda ciiddul fitriga.

Diyaargarowgan ku aadan munaasabadda ciidda ayaa kusoo beegmaya xilli lagu gudo jiro 10-kii u danbeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana ciidani ay tahay ciid aad uweyn oo ay u dabaaldegaan guud dadka Islaamka ah ee ku nool caalamka.

Inkastoo bulshada ku dhaqan Jubooyinka ay doonayaan in ay si farxad leh ku ciidan ayaa hadana waxaa jirto cabsi ay dadka qaar ka qabaan colaadaha ka aloosan gobollada Jubooyinka ee u dhexeeya ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
8/11/2012 7:35 PM EST
Sabti, Agoosto 11, 2012 (HOL) -Diyaarado aan la garaneyn cid iska leh ayaa Caawa salaadii maqrib kadib duqeymo xooggan ku bilaabay magaalada Kismaayo, iyadoona gantaallada ay tuurayaan diyaaradahaasi ay ku dhaceen xaafado katirsan magaalada Kismaayo.

8/11/2012 1:23 PM EST
Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa soo maanta soo bandhigtay makiinad casri ah oo loogu talagalay soo saarista shahaadooyinka asalka ah, si looga hortago shahaadooyinka faalsada ah ee aysan waxba ka ogayn dawlada Soomaaliya.

8/11/2012 9:06 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in gudaha deegaankaasi ay israsaaseyn xooggan ku dhexmartay askar kawada tirsan ciidamada dowladda KMG ee gobolka Jubbada Hoose.

8/11/2012 8:57 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Guddiga xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay maanta inay meel garbo-gabo ah u marayso liiska xildhibaannada baarlamaanka soo soo socda ee Soomaaliya, iyagoo sheegay inay xubnahan ku jiraan kuwo aan buuxin shuruudihii laga doonayay ayna dib ugu celin doonaan oday dhaqameedyadii soo xulay.

8/11/2012 8:43 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen ayaa waxay ugu digeen siyaasiyiinta Soomaalida doonaya in lasoo xulo xubno iyaga taageersan.

8/11/2012 8:42 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha SSC Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye ayaa isku afgartay qodobo la sheegay in lagu nabadaynayo deegaanka Buuhoodle ee baryihii u dambeeyey colaaddu ka taagnayd.

8/11/2012 8:39 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Murashax ka mid ah kuwa u taagan doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku hanjabay inay qaban doonaan dibadbaxyo ay uga horjeedaan qorshha ay madaxda dowaldda KMG ah ku doonayaan inay ku hagaan doorashooyinka.

8/11/2012 7:46 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa billad abaalmarin ah guddoonsiiyay madaxa haya'dda safamlka ah ee Kisme Yok Mu oo ka mid ah hay'adaha Turkiga ee ka howglala Muqdisho.

8/11/2012 7:23 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn iskugu yimid ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedelkii iyo kaabistii lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.

8/11/2012 7:20 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay walaac xooggan ka qabaan habka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka digay in la musuq-masuqo qaabka xulista xildhibaannada.

8/11/2012 6:53 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Labaatan qoys oo ah agoomaha ku dhaqan xaafadda Daami ee magaaladda Hargeysa ayaa loo qaybiyey laba kun ($2000) oo doollarka Maraykank ah si caruurtaasi looga farxiyo maalinta Iidda, isla markaana ay ula iidi lahaayeen dadweynaha islaamka.

8/11/2012 3:41 AM EST
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray xalay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.