4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Shirkii Dalalka Waqooyiga Yurub ee looga hadlayay Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo gabo-gabeeyay Caasimadda Finland


Sabti, October 20, 2012(HOL): Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay caasimadda dalka Finland ee Helsinki shir laba maalmood socday kaasoo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka socday dalladda (Nordic Union of Somali Peace and Development Organisations) oo ah dallad ay ku mideysan yihiin affar urur oo Soomaaliyeed kuwaasoo ka kala dhisan dalalka Norway, Swedan, Denmarka iyo Finland.

 

Shirkan labada maalmood soconayey ayaa waxaa uu daba socday laba shir oo horey loogu kala qabtay waddamada Sweden iyo Norway. Shirkan ayaa waxaa uu sidoo kale ku wajahnaa sanadkan dhaliyarada iyo qaybta ay ka qaadan karaan nabadda iyo horumarinta Soomaaliya.

 

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay marka laga reebo xubnaha dallada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahan duqa magaalada Mudane Maxamuud Ahmed Nur (Tarzan) sidoo kale waxaa kasoo qayb galay xubno sar sare oo ka kala socdey wasaaradaha arimaha dibadda iyo arimaha gudaha ee wadamada Norwey,Denmarka,Sweden iyo Finland.

 

Sidoo kale madaxda dowladda ee kasoo qeyb galay shirkan ayaa waxaa ay kulamo la qaateen masuuliyiin ka socda dowladaha Nordiga, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo soomaaliya khuseeya.

 


Shirkan oo ahaa mid ku baxayey luqadda Ingiriisiga ayaa waxaa gunaanadkii shirka loo fasaxay in lagu hadlo Af Soomaali si dadkii ka soo qeybgalay ay fursad ugu helaan  inay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Tarzan su'aalo weydiiyaan, isagoo dhankiisa warbixin ka bixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Shirkan ayaa intii uu socdey wax yaabo badan oo dhinaca dhalinyarada ah laysku soo qaadey,ugu danbayntiina waxaa laysku raacay in diirada lasaaro sidii xirfado kala duwan loo bari lahaa dhalinyarada wadanka ku sugan halka kuwa diasporahana looga baahan yahay inay xirfadaha ay yaqaanaan uga faaideeyaan wadanka.

 


Ugu dambeyn waxaa shirka loogu mahadceliyay ururkii soo qabanqaabiyey shirkan daladda "Nordic Union of Somali Peace and Development Organisations", waxaana lagu ammaanay sida kartida leh ee ay u raadinayaan mideynta qurbo-joogta Soomaaliyeed.

 

Shirkan oo ah kii sedexaad ee ka dhaca wadamada waqooyiga Yurub ayaa waxaa uu ka dhacay Helsinki oo ah caasimada wadanka Finland, halka labadii shir ee ka horeeyey kuwan ay ka dhaceen wadamada Norwey iyo Sweden.







 

Abdiaziz Godah

[email protected]

Helsinki - Finland