Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Hay'adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay korortay tirada qoxootiga Soomaaliyeed ee galaya dalka Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya, iyadoo ha'yaddu ay sheegtay inay xeradii lixaad ka furayaan deegaanka Dollo-Adow ee Koonfurta dalka Itoobiya oo ay ku yaallaan xeryaha ay ku jiraan qoxootiga Soomaalida ah.
Afhayeen u hadlay hay'adda UNCHR ayaa sheegay in qoxootiga galay dalka Itoobiy ay gaarayaan 170,000 oo qof, isagoo sheegay in qoxootigan ay sii adkeynayaan qoxootiga ku nool dalka Itoobiya oo noqonaya kuwa labaad ugu badan ee ku sugan dalalka Bariga Afrika.
"Xeryaha qoxootiga Dollo-Addo ee dalka Itoobiya waxay noqonayaan kuwa labaad ee ugu weyn dunida, marka laga reebo xeryaha Dhadhaab-Kenya oo ah kuwa ugu weyn dunida" ayuu yiri afhayeenka UNCHR, Adrew Jemestic.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in xeryaha qoxootiga Dollo-Addo oo shan xero ah ay ku nool yihiin 214,000 oo qof, kuwaasoo kasoo cararay dagaallada iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya, halka ay xeryaha Dhadhaab ku nool nus malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.
Hay'addu waxay sheegtay inkastoo qoxootiga galay dalka Itoobiya sannadkan ay ka yar yihiin tiradii sannadkii hore ay haddana billowgii bishishii Jannaayo ee sannadkan illaa dhamaadkii bishii September ay dalka Itoobiya galeen qoxooti gaaraya 25,000 oo qof.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay xero lixaad ku kordhinayaan xeryaha qoxootiga Dollo-Addo, taasoo uu sheegay in dhismaheeda uu ku baxayo lacag dhan shan milyan oo dollarka Mareykanka ah, balse wuxuu walaac ka muujiyay inay dhibaato kala kulmi karaan qoxootiga Soomaalida ee Itoobiya galay kooxo intay dadka qafaashaan u isticmaala dagaallada.
Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in laga hirgeliyeen Dollo-Addo garoon diyaaraduhu kusoo dagaan, kaasoo dhirirkiisu yahay 1600 oo mitir, isagoo xusay in tani ay ka yarenayso dhibaatooyinkii ay la kulmi jireen gaadiidka gargaarka soo gaarsiiya xeryaha qoxootiga Dollo-Addo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hay'adda Qoxootiga Adduunka oo sheegtay inay kororta Tirada Qoxootiga Soomaalida ah ee galaya dalka Itoobiya
More News
- Kulan Saraakiisha Midowgga Africa ee AMISOM iyo Odayaasha Dhaqanka ku dhaxmaray magaalada Baladweyne
- Shirkii Dalalka Waqooyiga Yurub ee looga hadlayay Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo gabo-gabeeyay Caasimadda Finland
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Nabadgalyada Muqdisho ay tahay mid Wanaagsan Howgalladuna ay sii soconayaan
- Madaxweynaha Somalia oo Warqadihii Safiirnimo ka guddoomay Dajiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya
- Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Magaalada Marka oo yeeshay kulan ay uga hadleen Isbedelka ka dhacay degmadooda
- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo sheegay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxweynenimo ee Puntland
- Dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka Koonfur Afrika ku dilay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaasoo ay ku dileen Toorreey
- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Gaalkacyo Gaarey Halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey
- Taliska Ciidamada AMISOM oo shaaciyay inay ciidamadooda kala baxayaan Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium
- Weerarro dhimasho iyo dhaawac geystay oo lagu Qaaday Xaflad Aroos iyo Maqaahi ku taalla Magaalada Muqdisho
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Maamul u sameynta Gobollada dalka ay ku xiran tahay Rabitaanka Shacabka
- Askari ka tirsan Booliiska Kenya oo xalay lagu rasaaseeyay Magaalada Gaarisa oo ah Xarunta Gobolka Waqooyi-Bari Kenya
- Kooxo hubeysan oo Kismaayo ku dilay nin shacab ah iyo dagaal ka dhacay Koontarool ku yaalla Waqooyiga Magaaladaas
- Madaxweyne xigeenka Somaliland oo fasax ku jooga dalka Imaaraadka Carabta