Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Iyadoo la filayo in sanad kadib ay Puntland ka qabsoomaan doorashooyin ku dhisan nidaamka axsaabta badan, ayaa waxaa soo badanaya tirada siyaasiyiinta sheegay in ay u tartami doonaan xilka madaxweyne nimada ee Puntland.
Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ah siyaasi si weyn looga yaqaano Puntland, xilal kala duwanna kasoo qabtay xukuumadihii ka horeeyey midda hadda jirta ee uu hormuudka u yahay madaxweyne Cabdiraxamaan Maxamed (Faroole), ayaa shaaca ka qaaday in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha.
Waraysi uu siiyey qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah, ayuu ku sheegay in ay ka go’an tahay in uu doorashada soo socota ka qayb galo, islamarkaana rajada uu qabaa ay tahay mid aan yareyn.
“Anigu musharrax baan ahay, waxan u ahay xilka madaxweyne nimada. In aan tartamo ayaan rabaa. Rajo badanna waan qabaa, waayo anigu eed hore ma gelin” Dr. Gaagaab ayaa warfidiyeenada u sheegay.
Mar wax laga weydiiyey barnaamijkiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha hadii la doorto uu xoogga saari doonana waxuu yiri: “Barnaamijkeyga waxan soo bandhigi doonaa wakhtiga doorasahda la iclaamiyo, haseyeeshee waxyaalaha ugu waaweyn waxaa kamid ah: xasilinta nabad gelyada, mashaariicda taagan in horay loo wado, dimuqraadiyeynta, dhaqaalaha iyo soo celinta gobolada maqan”
Isagoo ka jawaabayey su’aal la waydiiyey oo ahayd sababta uu xisbi siyaasadeed u furan waayey iyo waxa ka jira in isaga iyo siyaasiyiinta la midka ahi aysan ku kalsooneyna nidaamka dimuqraadiga ah waxaa hadaladiisi kamid ahaa.
“Anaga kalsooni la’aani nama hayso, anaga keliyana ma ahan cidda leh doorashooyinku sidoodii hore ha u dheceen, cidda baqeysaa anaga ma ahan”.
Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) wuxuu horay maamulka Puntland uga soo noqday: madaxweyne ku-xigeen, wasiirka maaliyadda iyo xildhibaan ka tirsan galaha wakiilada.
Horay waxaa u sheegay in ay u tartami doonaan xilka madaxtinimada ee Puntland, siyaasiyiin ay qaarkood horay Puntland xilal kala duwan uga soo qaybteen, ayna kamid yihiin: Gen. Cabdilaahi Siciid Samantar, Maxamed Cabdiqaadir (Dheel) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Gablax.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo sheegay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxweynenimo ee Puntland
More News
- Kulan Saraakiisha Midowgga Africa ee AMISOM iyo Odayaasha Dhaqanka ku dhaxmaray magaalada Baladweyne
- Shirkii Dalalka Waqooyiga Yurub ee looga hadlayay Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo gabo-gabeeyay Caasimadda Finland
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Nabadgalyada Muqdisho ay tahay mid Wanaagsan Howgalladuna ay sii soconayaan
- Madaxweynaha Somalia oo Warqadihii Safiirnimo ka guddoomay Dajiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya
- Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Magaalada Marka oo yeeshay kulan ay uga hadleen Isbedelka ka dhacay degmadooda
- Dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka Koonfur Afrika ku dilay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaasoo ay ku dileen Toorreey
- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Gaalkacyo Gaarey Halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey
- Taliska Ciidamada AMISOM oo shaaciyay inay ciidamadooda kala baxayaan Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium
- Hay'adda Qoxootiga Adduunka oo sheegtay inay kororta Tirada Qoxootiga Soomaalida ah ee galaya dalka Itoobiya
- Weerarro dhimasho iyo dhaawac geystay oo lagu Qaaday Xaflad Aroos iyo Maqaahi ku taalla Magaalada Muqdisho
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Maamul u sameynta Gobollada dalka ay ku xiran tahay Rabitaanka Shacabka
- Askari ka tirsan Booliiska Kenya oo xalay lagu rasaaseeyay Magaalada Gaarisa oo ah Xarunta Gobolka Waqooyi-Bari Kenya
- Kooxo hubeysan oo Kismaayo ku dilay nin shacab ah iyo dagaal ka dhacay Koontarool ku yaalla Waqooyiga Magaaladaas
- Madaxweyne xigeenka Somaliland oo fasax ku jooga dalka Imaaraadka Carabta