Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, toban kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxyo shalay gallinkii dambe iyo xalay lagu kala weeraray goob ay ka socotay xaflad aroos oo ka tirsan degmada Hodan iyo maqaayad cunnada lagu cuno oo ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Weerarradan oo ahaa kuwo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaanay jirin cid sheegatay mas'uuliyadooda, balse saraakiil ka tirsan dowaldda ayaa ku eedeeyay weerarradan inay ka dambeysa Al-shabaab.
Laba bambaanooyinka gacanta ah oo lagu weeraray xaflad aroos oo ka socotay xaafadda Warshadda Caanaha ee degmada Hodan ayaa waxaa ku dhintay laba qof, toddoba ruux oo kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan, kaasoo xalay la geeyay isbitaallada Muqdisho.
"Xafladdu waxay ahayd mid aroos, waxaana socday muusig ay dhallinyaro rag iyo dumar isugu jira ku ciyaarayeen, balse waxaan mar qura maqalnay laba qarax oo is-daba joog ah, waxaa dhintay laba qof, toddoba kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, ayuu yiri goobjooge ku suganaa xafladda arooska.
Dhammaan dadka waxyeelladu kasoo gaartay bambooyinka ayaa waxay ahaayeen dadkii arooska kasoo qaybgalay, balse ma jirto wax khasaare ah oo bambooyinkaas kasoo gaaray arooskii iyo aroosaddii xafladda loo dhigayay.
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta gaaray markiiba ayaa waxay qabteen dhowr qof oo ay uga shakiyeen inay ku lug leeyihiin weerarka, iyadoo maamulka degmada Hodan uu sheegay inay weli socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay weerarkaas.
Dhanka kale, saddex bambaano oo xaaly lagu weeraray maqaayad ku taalla degmada Huriwaa ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale, waxaana la sheegay in weerarkaas loogu dan lahaa askar ku suganaa maqaayada mana jirto waxyeello gaartay.
Qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa maqaayadda ayaa sheegay inay baxsadeen kooxihii weerarka geystay, mana jirto cid sheegatay weerarka, balse saraakiisha dowladda ee degmada Huriwaa ayaa ku eedeeyay weerarka kooxda Al-shabaab.
Ma ahan markii ugu horreysay oo weerar noocan oo kale ah uu ka dhaco Muqdisho kuwaasoo ay lala bartilmaameedsado ciidamada dowladda, balse balse ay khasaare kasoo gaarto dad shacab ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Weerarro dhimasho iyo dhaawac geystay oo lagu Qaaday Xaflad Aroos iyo Maqaahi ku taalla Magaalada Muqdisho
More News
- Kulan Saraakiisha Midowgga Africa ee AMISOM iyo Odayaasha Dhaqanka ku dhaxmaray magaalada Baladweyne
- Shirkii Dalalka Waqooyiga Yurub ee looga hadlayay Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo gabo-gabeeyay Caasimadda Finland
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Nabadgalyada Muqdisho ay tahay mid Wanaagsan Howgalladuna ay sii soconayaan
- Madaxweynaha Somalia oo Warqadihii Safiirnimo ka guddoomay Dajiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya
- Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Magaalada Marka oo yeeshay kulan ay uga hadleen Isbedelka ka dhacay degmadooda
- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo sheegay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxweynenimo ee Puntland
- Dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka Koonfur Afrika ku dilay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaasoo ay ku dileen Toorreey
- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Gaalkacyo Gaarey Halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey
- Taliska Ciidamada AMISOM oo shaaciyay inay ciidamadooda kala baxayaan Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium
- Hay'adda Qoxootiga Adduunka oo sheegtay inay kororta Tirada Qoxootiga Soomaalida ah ee galaya dalka Itoobiya
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Maamul u sameynta Gobollada dalka ay ku xiran tahay Rabitaanka Shacabka
- Askari ka tirsan Booliiska Kenya oo xalay lagu rasaaseeyay Magaalada Gaarisa oo ah Xarunta Gobolka Waqooyi-Bari Kenya
- Kooxo hubeysan oo Kismaayo ku dilay nin shacab ah iyo dagaal ka dhacay Koontarool ku yaalla Waqooyiga Magaaladaas
- Madaxweyne xigeenka Somaliland oo fasax ku jooga dalka Imaaraadka Carabta