Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada Kenya ayaa xalay lagu furay rasaas isagoo howl lagu sugayo ammaanka ka waday gudaha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in askarigaas uu dhaawac fudud gaaray.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof aan la garanayn uu rasaas ku furay askariga oo ku sugnaa bartamaha magaalada, iyadoo ay goobtaas gaareen ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa Kenya, kuwaasoo gacanta qabqabtay dad fara badan.
"Askariga waxaa lagu furay rasaas isagoo sugidda ammaanka ka shaqeynayay, waxaa gaaray dhaawac fudud, iyadoo falkan uu noqonay kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca gudaha Gaarisa," ayay tiri Raxmo Axmed oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Gaarisa.
Ciidamada Kenya ayaa illaa saakay aroortii baaritaanno kawaday degmada Gaarisa waxaana weerarkan uu qayb ka noqonayaa weerarro dhowr ah oo degamdaas ka dhacyay muddo hal sano, laga soo billaabo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
"Baaritaanno ayaa lagu sameeyay xaafaddeenna iyo xaafado ku dhow-dhow oo ku teedsan halkii ay xalay rasaastu ka dhacday, runtii dad badan ayaa la qabqabtay mana garanayno sababta keentay in askariga amaanka sugaya rasaas lagu furo," ayay Raxmo hadalkeeda raacisay.
Ma jiro hadal kasoo baxay booliiska degmada Gaarisa iyo kan gobolka Waqooyi-bari ee Kenya oo ku aaddan rasaasta xalay lagu furay askariga ka tirsan ciidamada Kenya ee nabadda sugayay.
Dalka Kenya ayaa wuxuu tan iyo sannadkii hore ka tacaalayay xallinta weerarro soo laalaabtay oo ka dhacayay gudaha dalkaas, iyadoo la xusuusto in weerar lagu dilay sarkaal ka tirsan booliiska Kenya tiro kalena lagu dhaawacay uu maalin ka hor ka dhacay magaalada Mombasa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Askari ka tirsan Booliiska Kenya oo xalay lagu rasaaseeyay Magaalada Gaarisa oo ah Xarunta Gobolka Waqooyi-Bari Kenya
More News
- Kulan Saraakiisha Midowgga Africa ee AMISOM iyo Odayaasha Dhaqanka ku dhaxmaray magaalada Baladweyne
- Shirkii Dalalka Waqooyiga Yurub ee looga hadlayay Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo gabo-gabeeyay Caasimadda Finland
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Nabadgalyada Muqdisho ay tahay mid Wanaagsan Howgalladuna ay sii soconayaan
- Madaxweynaha Somalia oo Warqadihii Safiirnimo ka guddoomay Dajiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya
- Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Magaalada Marka oo yeeshay kulan ay uga hadleen Isbedelka ka dhacay degmadooda
- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo sheegay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxweynenimo ee Puntland
- Dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka Koonfur Afrika ku dilay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaasoo ay ku dileen Toorreey
- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Gaalkacyo Gaarey Halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey
- Taliska Ciidamada AMISOM oo shaaciyay inay ciidamadooda kala baxayaan Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium
- Hay'adda Qoxootiga Adduunka oo sheegtay inay kororta Tirada Qoxootiga Soomaalida ah ee galaya dalka Itoobiya
- Weerarro dhimasho iyo dhaawac geystay oo lagu Qaaday Xaflad Aroos iyo Maqaahi ku taalla Magaalada Muqdisho
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Maamul u sameynta Gobollada dalka ay ku xiran tahay Rabitaanka Shacabka
- Kooxo hubeysan oo Kismaayo ku dilay nin shacab ah iyo dagaal ka dhacay Koontarool ku yaalla Waqooyiga Magaaladaas
- Madaxweyne xigeenka Somaliland oo fasax ku jooga dalka Imaaraadka Carabta