3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2012
Milateriga Kenya oo sheegay inay Kismaayo ka heleen Xabaal ay ku Aasnaayeen Afar ka mid ah Ciidamada Milateriga Kenya
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Dowladda Kenay ayaa sheegtay in ciidankeeda ka tirsan AMISOM ay Kismaayo ka heleen xabaal-wadareed lagu aasay afar askarta Kenya ka tirsan, sidaas oo kalena ay heleen maydka askari Soomaali ah oo qoorta laga jaray.

Afhayeenka waaxda difaaca ee wasaaradda gaashaandhigga Kenya, Maj. Emmanuel
Chirchir ayaa sheegay in askartan lagu aasay qabri weyn oo ku yaalla deegaannada ku teedsan xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

"Ciidamadan waxaa lagu waayay dagaalkii ka dhacay deegaanka Miido bishii hore xilligaasoo ay ciidamadeenna ka tirsan AMISOM ku wajahnaayeen Kismaayo oo ay ka talinaysay Al-shabaab," ayuu yiri Maj. Chirchir.

Al-shabaab oo dhammaadkii bishii hore laga qabsaday Kismaayo ayaa waxay kusoo bandhigeen intii aysan magaaladaas ka bixin maydadka askar isugu jiray Kenyan iyo Soomaali, kuwaasoo ay sheegeen inay ku dileen dagaalkii ka dhacay deegaanka Miido ee gobolka Jubbada Hoose.

Maj. Chirchir ayaa sheegay in helitaanka askartan qabriga keliya lagu aaasay ay ka gacan-siiyeen qaar ka mid ah shacabka Kismaayo ku nool, kuwaasoo uu sheegay in ay ka xumaayeen falkaas dhacay.

"Shacabka Kismaayo ammaan ayaan u soo jeedinayaa maadaama ay gacan naga siiyeen sidii aan askartan ku heli lahayn," ayuu Maj. Chirchir ku qoray barta uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka loo yaqaan.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwa dowladda Soomaaliya iyo weliba xoogagga Raaskambooni ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo laba todobaad ka hor, markaasoo ay dhowr jaho degmadaas ka weerareen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/11/2012 8:13 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Wararka ka soo baxaya deegaannka Hobyo ee gobollka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug.

10/11/2012 7:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Hay’adda laan-qaybta cas ee ICRC oo bilihii ugu dambeeyayba howlo gargaar ah ka wadday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa deeq raashin ah gaarsiisay qoysaskii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay magaalada Baladweyne kuwasoo waqtigan daadsan daafaha magaalada oo ay ka dhisteen guryo cooshado ka sameysan.

10/11/2012 7:08 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Askar ka tirsan ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa saddex qof oo shacab ah dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo rasaastaas ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.

10/11/2012 7:01 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in xoogagga Al-shabaab ay uga saaraan degmooyinka weli gacantooda ku jira ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

10/11/2012 3:36 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Kooxo ku hubaysan ayaa xalay xaafadda laba-dhagax ee degmada Wardhiiglay ku toogtay sarkaal ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo markii uu dilku dhacay ay ciidamada nabad-sugiddu baaritaanno ay dad badan kusoo qabqabteen ka sameeyeen xaafaddaaas.

10/11/2012 3:15 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in nabadda dalka uu ku raadinayo dib u heshiisiin sidoo kalena uu soo dhisayo dowlad tayo leh oo la dagaalanta musuqmaasuqa una horseedda dalka inuu ka baxo dhibaatada uu muddada kusoo jiray.