4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2012
Hay’adda ICRC oo Mucaawino u qeybisay dadkii ka barakacay Fatahaadihii Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Hay’adda laan-qaybta cas ee ICRC oo bilihii ugu dambeeyayba howlo gargaar ah ka wadday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa deeq raashin ah gaarsiisay qoysaskii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay magaalada Baladweyne kuwasoo waqtigan daadsan daafaha magaalada oo ay ka dhisteen guryo cooshado ka sameysan.

Sida ay sheegeen saraakiisha hay’adda ICRC ee  ku sugan magaalada Baladweyne ilaa 4500 oo qoys kana mid ah dadka ugu sii  jilicsan ee fatahaadu saameynta ku yeelatay ayaa la gaarsiiyay deeq raashin ah oo ka kooban , Bariis, Boorash, Saliid, Digir iyo Cusbo.

Qeybinta deeqda raashinka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan, waana tiradii ugu badneyd marka la eego qoysaska ku barkacay duleedka magaalada Baladweyne oo gargaar la gaarsiiyo.


"Marka laga  soo tago raashinka loo qeybiyay dadka barakacayaasha ah hay’adda ICRC horay ayeey dadkan u gaarsiisay agab kala duwan oo ay ka mid yihiin wax yaabo ay ka hoos galaan dabeysha iyo dhaxanta iyo macuun ay u isticmaalaan karinta cunada,’’ ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adda ICRC oo  la hadllay HOL.

Madaxa ugu sareeya hay’adda ICRC dalka Soomaaliya Patrick Vila ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu qorshahoodu yahay quudan ama gargaarsiinta dad gaaraya ilaa 39000 oo ruux kuwaasoo ka mid ah dadka ay saameynta ku yeelatay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne.


Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Baladweyne ay ku fataheen biyo ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da’ay magaalada iyo buux dhaaf uu sameeyay wabiga Shabeelle oo is biirsaday, taasoo keentay in ay ku barakacaan kumanaan kun oo qoys, halka sidoo kale la rumeysan yahay in ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux oo ay biyuhu la tageen.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya