Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Askar ka tirsan ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa saddex qof oo shacab ah dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo rasaastaas ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL in askarta rasaasta ku furay gaariga ay markii hore isku dayeen inay gaariga raacaan, balse markii wadaha gaariga uu diiday ay keentay inay rasaas ku furaan.
"Saddex qof oo rakaabkii ka tirsanaa ayaa ku dhintay rasaasta ay askartu ku fureen gaariga, saddexda qof waxay ahaayeen rag, sidoo kale laba qof oo iyaguna rag ah ayaa ku dhaawacmay," ayuu yiri goobjoogaha oo magaciisa kusoo gaabiyay Axmed.
Baabuurka rasaasta lagu furay ayaa ku socday degmada Afgooye ee gobolka Shabellada hoose, halkaasoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab bishii May ee sannadkan.
"Askartii dilka geystay oo saddex ruux ahaa waxay aadeen dhinaca xerada Villa Baydhabo, mana jirto cid qabatay. Xaaladdu hadda waa daggan tahay inkastoo ay dadka cabsi badan dareemeen," ayuu Axmed hadalkiisa ku daray.
Ma jirto hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dilka ay ciidamada milateriga dowladda u geysteen dadka shacabka ah, iyadoo dadkii ku dhaawacmay rasaastaas la dhigay isbitaalka Madiina halkaasoo lagu daweynayo.
Falkan ayaa noqonaya kii labaad oo ciidammo ka tirsan dowladda ay ugu geystaan dad shacab ah, iyadoo shalay ahayd markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dilay xaafadda Zone K ee degmada Hodan haweeney rayid ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo sadex qof dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari rakaab siday
More News
- Ciidammo ka kala tirsan Maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Gal-Mudug oo ku dagaalmay deegaanka Hobyo ee Gobolka Mudug
- Milateriga Kenya oo sheegay inay Kismaayo ka heleen Xabaal ay ku Aasnaayeen Afar ka mid ah Ciidamada Milateriga Kenya
- Hay’adda ICRC oo Mucaawino u qeybisay dadkii ka barakacay Fatahaadihii Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
- Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ku hanjabay in Al-shabaab ay ka saarayaan Gobolladaas
- Kooxo hubeysan oo Sarkaal ciidanka dowlada ka tirsan ku dilay Degmada Wardhiigley iyo howgallo degmadaas laga sameeyay
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu Nabadda ku Raadinayo dib u heshiiin soona dhisayo xukuumad tayo leh