4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2012
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ku hanjabay in Al-shabaab ay ka saarayaan Gobolladaas
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in xoogagga Al-shabaab ay uga saaraan degmooyinka weli gacantooda ku jira ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Col: Ismaaciil Sheekh Cabdi (Koofi) oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo wareysi gaar ah siiyay Shabakadda Hiiraan Online ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xoogagga Al-shabaab looga saaro degmooyinka ay gacanta ku hayaan ee Jubooyinka iyo Gedo, isagoona xusay in mardhow ay bilaaban doonaan howlgalladaasi.

"Waxaad la socotaa in ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo AMISOM oo iskaashanaya ay dhawaan gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo oo ahayd magaalada ugu weyn ee ay maamulaan Al-shabaab, hada ciidamadu waxay wadaan howlgallo lagu nadiifiyo haraadiga Al-shabaab ee weli ku sugan gudaha magaalada, marka ammaanka Kismaayo la sugana waxaan u gudbi doonna xoreynta degmooyinka kale ee gobollada Jubooyinka," Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Col: Koofi ayaa sheegay in ay ku mashquulsanyihiin sugidda amniga magaalada Kismaayo oo uu xusay in ay weli ku harsanyihiin kooxo taabacsan Al-shabaab oo  doonaya in ay qal-qal geliyaan ammaanka, wuxuuna intaa ku daray in howlgallada Jubooyinka ay sii socon doonaan marka la sugo ammaanka magaalada Kismaayo.

"Hadda anigu ilama ahan in ay jiraan Al-shabaab awood leh oo hor istaagi kara ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, Kismaayo nin difaacan waayana ma filayo in uu meel kale difaacan karo, haduu alle yiraahdo marka amiga Kismaayo la sugo ayaa meelaha lagu tuhunsanyahay laga nadiifin doonaa" ayuu Col Koofi Hadalkiisii raaciyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa la wareegay gacan ku heynta Kismaayo dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay ee September, kadib dagaallo faraha looga gubtay oo ku dhawaad hal sano galbeed gobolka Jubada Hoose ku dhexmarayay ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab, kuwaasoo markii danbe keenay in Al-shabaab ay isaga huleelaan magaalada Kismaayo oo dad badani ay aaminsanyihiin in ay tahay magaalo muhiim ah islamarkaasina ay dhaqaalo fara badan ka heli jireen Al-shabaab.

Tan iyo markii ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya ay la wareegeen Kismaayo ayaa waxa magaalada kusoo batay falal amni darro, waxaana saraakiisha dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay wadaan dadaallo maamul kumeel gaar ah loogu sameeynayo Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya