4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu Nabadda ku Raadinayo dib u heshiiin soona dhisayo xukuumad tayo leh
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in nabadda dalka uu ku raadinayo dib u heshiisiin sidoo kalena uu soo dhisayo dowlad tayo leh oo la dagaalanta musuqmaasuqa una horseedda dalka inuu ka baxo dhibaatada uu muddada kusoo jiray.

Mudane Cabdi Shirdoon wuxuu sheegay inuu ku jiro wadatashiyo ku aaddan sidii uu kusoo dhiso lahaa dowlad tayo leh, isagoo sheegay inuu la tashay baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

"Tan iyo markii la i magacaabay waxaan ku jiray wadatashiyo aan la yeelanayo xubnaha baarlamaanka iyo qaybaha bulshada, taasoo ku aaddan sidii aan u soo dhisi lahaa dowlad tayo leh oo ku timid wadatashi," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay mudnaanta koowaad siinayso soo celinta ammaanka iyo dib u heshiisiinta, isagoo xusay in xabbadu aysan ahayn xalka koowaad, kan labaad iyo kan saddexaad.

"Waxaan fursad ballaaran siin doonnaa dib u heshiisinta, waxaana ku fekeri doonaa  in dadka Soomaaliyeed ay dagaal iyo dhib la'aan dantooda aadaan, mana qabo inay xabbadu tahay xalka koowaad, kan labaad iyo kan saddexaad. waxaana muhiimadda siin doonnaa dib u heshisiin, wadahadal iyo wadatashi," ayuu yiri mudane Saacid.

Sidoo kale, mar ra'iisul wasaaruhu uu wareysi siinayay VOA-da ayuu sheegay in ammaanka ay doonayaan inuu dalka ka hirgalo uu noqon doono mid ay qayb ka qaataan bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ciidamada iyo xukuumadda keliya aysan nabadda dalka soo celin karin, balse ay garab uga baahan yihiin shacbka.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ka hadlay musuqmaasuqa isagoo sheegay in uu la dagaalmi doono musuqaasuqa, kaasoo uu ku sheegay inuu luminayo kalsooni ay shacabku ku qabaan dowladooda iyo in dowladdu ay isku halleyso shacabkeeda.

"Musuq-maasuqu wuxuu luminayaa kalsoonida ka dhexeysa dowladda iyo shacabka; wuxuuna qaribayaa nidaamka dowliga ah inuu shaqeeyo; wuxuu keenayaa inay ku jirto dowladdu fashil joogto ah maadama uu musumaasuqu yahay mid meesha ka saaraya kalsoonida," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay maskaxda ku hayaan ay tahay in dowladda iyo dadku ay is aaminaan ayna kalsoonooodu gaarto inay wada-shaqeeyaan, sidaa darteed ay dowladdu noqon karto mid ay dadkeedu aaminaan iyadana dadkeeda isku tiirisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya