4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka jaray Mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey Gobollada Saaxil iyo Togdheer

Axad, November, 11, 2012 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  shalay xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey magaaladda Burco  ee gobolka Togdheer iyo degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil. 

Madaxweynaha oo safar shaqo ku tagay goboladda Bariga, ayaa mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey Burco iyo Sheekh xadhiga ka jaray, halka kuwa kale oo laga bilaabayana dhagax dhigay.

Madaxweynuhu waxa uu magaaladda Burco xadhiga ka jaray shan mashruuc oo laga hirgaliyey magaaladaasi, kuwaas oo kala ah laba waddo oo ay dawladda hoose ka hirgaliyey magaaladaasi, dhismaha dugsiga far-samadda gacanta ee Burco, dayactir balaadhan oo lagu sameeyay xarunta guriga martida Burco, Dhismaha qaybta booliska ee Gobolka Togdheer iyo  saddex waddo oo uu madaxweynuhu dhagax dhigay oo dhowaanta la bilaabi doonno.

Sidoo kale, waxa uu mdaxweynuhu degmadda Sheikh ee gobolka Saaxil xadhiga ka jaray cisbitaalka guud ee magaaladdaasi, kaasi oo ay maalgalisay dawlada Kuwayt, waxa kale oo uu dhagax dhigay dhismaha gurigii Martida ee degmada Sheekh oo ku burburay dagaaladii  1988kii oo aan dib loo dhisin, kaas oo ahaa xafiiskii uu gumaystihii ingiriisku uga talin jiray Somaliland wakhtigii uu dalka uu xukumi jiray.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay mashaariicdan balaadhan ee laga hirgaliyey degmada Sheikh oo uu xusay inuu caruurnimadiisii wax ku baran jiray, isla markaana ay degmadu tahay meel uu aad u yaqaan, waxaanu tilmaamay inay mashaariicdan horumarineed yihiin kuwii uu u balanqaaday gobolka Saaxil.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu u mahad celiyay dawladda Kuwayt oo uu sheegay inay gacan ka geysatay cisbitaalkaasi iyo qalabayntiisaba.

Safarkan uu madaxweynuhu ku marayo goboladda bariga waxa ku wehelinayey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, marwada kowaad ee madaxweynaha Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, iyo masuuliyiin kale.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin badan, kuwaas oo dhamaantood ka sheekeeyey mashaariicdan horumarineed ee labadan gobol ee Togdheer iyo Saaxil ka socda, kuwaas oo qaar lagu caawiyey iyo kuwo ay dawladda hoose ee degmooyinkaasi hirgaliyeen iskugu jirta.

Bilihii u dambeeyey ayey magaalooyinka Somaliland iskugu faanayeen mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey magaalooyinkooda, kuwaas oo intooda badan ay iyagu si iskaa wax u qabso ah ku dhisteen.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland