3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2012
Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Baydhabo

Axad, November 11, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay dagaal saacado badan qaatay oo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Goof-guduud oo 30-KM dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dagaalkan oo qarxay gallinkii dambe ee shalay socdayna illaa xalay fiidkii ayaa qarxay kaddib markii xoogag Al-shabaab ka tirsan ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo halkaas socod ku marayay.

"Waxaa dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaan arkay dhimashada sagaal ka mid ah dhinacyadii dagaalamay," ayuu yiri Nuur Cali oo ka mid ah dadka deggen deegaanka Goof-guduud oo uu dagaalku ka dhacay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa weli ku sugan deegaankii lagu dagaalamay, halkaasoo ay saakay ka wadaan baaritaannno xiiriir la leh dagaalkii shalay illaa xalay socday ee ka dhacay deegaankaas.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin dagaalkii ay xoogageeddu shalay illaa xalay kula jireen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya, iyadoo sidoo kale aysan dowladda iyo Itoobiya ka hadlin dagaalkaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaal noocan oo kale ah uu gobolka Bay ku dhexmaro ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa caawinaya ee Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab, iyadoo khasaaraha dagaalkan ka dhashay intaa ka badnaan karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/11/2012 12:36 PM EST
Axad, November, 11, 2012 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey magaaladda Burco ee gobolka Togdheer iyo degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil.

11/11/2012 7:01 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) —Bankiga Horumarinta Afrika (AFDB) ayaa dadaal ugu jira sidii uu u maalgelin lahaa wado weyn oo isku xirta wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

11/11/2012 6:17 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay dowladda Uganda sheegtay inay ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM kala baxayso Soomaaliya, haddii aanay Qaramada Midoobay ka laaban warbixintii ay ku sheegtay in Uganda ay taageerto jabahad ka dagaalanta bariga dalka ay dariska yihiin ee DR Congo.

11/11/2012 5:48 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Israsaaseyn askar kawada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dhexmaray barqonimadii maanta afaafka hore xarunta dambi-baarista booliiska Soomaaliya ee CID-da ayaa sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawac soo gaaray sarkaal booliiska ka tirsan.

11/11/2012 5:43 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayeey sheegeen saraakiisha maamulka gobollka in gacanta lagu soo dhigay askarigii dhawaan magaalada ku dillay taliyihii ciidamada maamulka gobollka Muumin Maxamed Maxamuud.

11/11/2012 3:08 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) —Waxaa shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Kismaayo guddi farsamo oo ka socday shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Jubooyinka ee mudooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi, iyadoona guddiga ay safarkooda ku wehlinayeen saraakiil ka socotay urur goboleedka IGAD.

11/11/2012 2:19 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayaa dhintay, shan kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii ciidamada dalka Yemen ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen qoxootigan oo marayay gobolka Laxaj ee Koonfurta dalkaas.

11/11/2012 2:10 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay muhiimadda koowaad siin doonto dib u xoreynta dalka iyo sugidda ammaanka, wuxuuna intaas ku daray inay ka go'an tahay in dhammaan howlaha horyaalla ay ku dhameystiraan muddada ay haystaan.