4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2012
Bangiga Horumarina Afrika oo laga yaabo in uu Maalgaliyo wado Isku xirta dalalka Kenya iyo Soomaaliya


Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Donald Kaberuka
Axad, November 11, 2012 (HOL) —Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank) ayaa ka fiirsanaya maalgalinta wado dheer (High way) oo isku xirta Soomaaliya iyo Kenya,  sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wafdi ka socda bangiga oo ku sugan dalka Kenya.

Dr. Donald Kaberuka oo hogaaminaya wafdigaasi ayay arrinkan isku soo qaadeen madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.

Waxaana labada dhinac ay falanqeeyeen sidii loo dhisi lahaa wado dheer (High way) oo isku xirta Kenya iyo Soomaaliya, si loo dardar galiyo dib u dhiska Soomaaliya oo haatan yeelatay dawlad rasmi ah.

“Madaxweyne Kibaki wuxuu uga mahad celiyay bangiga horumarinta afrika doorka ay ku leeyihiin adkaynta is dhex galka wadamada gobolka iyo taageerada dhaqaale ee ay siiyaan Kenya”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweeynaha Kenya ayaa uga mahadceliyay Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) doorka uu uga jiro horumarinta gobolka iyo taageerada uu siiyo wadanka Kenya.

Labadani masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay mashaariic dhismo oo dalka Kenya iyo gobolka ka socdo, kuwaasoo uu maalgaliyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Dr. Keberuka ayaa kulanka uu madaxweeynaha la qaatay ku sheegay in Bangiga Horumantia Afrika AFDB uu gacanta ku hayo 20 mashaariic oo dalka ah iyo sedex gobolka ah kuwaasoo ay ku baxday lacag gaareeyso 1.65 Billion U.S Dollar, islamarkaasina wax looga qabanayo wadooyinka, Beeraha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Bangiga Horumarinta Africa ayaa mashaariic badan oo dhinaca dhismaha wadooyinka ah ka hirgeliyay dalal badan oo ku yaal qaaradda Afrika, wuxuuna imika gacanta ku hayaan mashariic dhowr ah oo wadooyin loogu dhisayo dalka Kenya.

Inkastoo aan la ogeyn in Bankiga AFDB uu fulin doono mashruucani lagu dhisayo waddo High-way ah oo isku xirta dalalk Kenya iyo Soomaaliya, ayaa hadana waxay dad badani aamisanyihiin in hadii wadadaasi la dhiso ay wax weyn ka tari doonto ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxaa haatan ka socda dib u dhis xoog leh oo ay wadaan intiisa badan Soomaalida dalka dib ugu soo laabanaysa, iyo ganacsatada gudaha, taasoo loo arko inay keeni karto horumar dhaqaale oo u dalku ku tillaabsado.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya