3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2012
Guddigii Farsamada ee ka socday shirka Magaalada Nairobi iyo Saraakiil IGAD ah oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Axad, November 11, 2012 (HOL) —Waxaa shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Kismaayo guddi farsamo oo ka socday shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Jubooyinka ee mudooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi, iyadoona guddiga ay safarkooda ku wehlinayeen  saraakiil ka socotay urur goboleedka IGAD.

Wafdigan oo kasoo ambabaxay magaalada Nairobi ayaa markii ay gaareen garoonka Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay saraakiil katirsan ururka Raaskaambooni, kuwa Dowladda iyo AMISOM.

Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in wafdiga uu ka koobanyahay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobollada Jubooyinka, wuxuuna intaa ku daray in guddigani hordhac u yahay maamulka la filayo in loo sameeyo Jubooyinka.

Shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa la filayaa in dhameystirkiisa uu ka dhaco gudaha magaalada Kismaayo, waxaana magaalada Nairobi ka socoto qaban qaabo la xiriirtra arintaasi.

Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni oo dhanka kale la weeydiiyay sababta ay magaalada Kismaayo ugu soo dhaweyn waayeen wafdigii dowladda Soomaaliya ay usoo dirtay Kismaayo ayuu yiri “Kismaayo maamul baa ka jiray, inagu in aan inagala tashan waxa imaanaya waa arrin aan sax ahayn, wafdigaas in ay soo duuleen oo ay hawada usoo jiraan baan maqalnay, meel ay u scodeen iyo waxa ay ahaayeen iyo waxa loo soo diray shaqadooda midna war maynan ka hayn, hadde annagu waxaa waajib naga saaran waxa weeye shaqadanada in aan qabasanno oo aan dhahno ciddii aan ogeyn waxa ay u socoto waxaa waajib naga saaranyahay in aanan qaabilin, waana wax aan xaq u leenahay.”

Masuulkani ayaa ku eedeeyay dowaldda Soomaaliya in ay ka gaabisay kaalintii kaga aadanayd ciidamada qabtay Kismaayo, oo uu xusay in ay ahayd in dowladda Soomaaliya ay u bogaadiso ciidamadii Shabaab Kismaayo ka saaray.

“Dowladda wixii laga rabay waxay ahayd ciidanka halkan qabtay in ay bogaadiso oo u tahniyadeeso oo ay ku amaanto wixii ay qabteen iyo dhibkii ay umadda Soomaaliyeed kasoo saareen, ee ma ahayn in ay idaacadaha ka caydo,” ayuu masuulkani hadalkiisii ku daray.

Dhinaca kale masuulkani ayaa beeniyay in ay jirto dhuxul ka dhoofeyso Kismaayo, haseyeeshee wuxuu xusay in ay jirtay cabashooyin uga imaanayay ganacsato lacago fara badan geliyay dhuxusha, kuwaasoo uu xusay in ay codsanayeen in loo fasaxo in la dhoofiyo tan imika taal, wuxuuna xusay in arintaasi ay u gudbiyeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhexeeya maamulka KMG ee magaalada Kismaayo iyo dowladda Soomaaliya, waxaana uu khilaafkani sii xoogeystay kadib markii wafdi ka socday dowladda Soomaaliya loo diiday in ay galaan magaalada Kismaayo kuwaasoo lagu amray in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
11/11/2012 12:36 PM EST
Axad, November, 11, 2012 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey magaaladda Burco ee gobolka Togdheer iyo degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil.

11/11/2012 7:01 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) —Bankiga Horumarinta Afrika (AFDB) ayaa dadaal ugu jira sidii uu u maalgelin lahaa wado weyn oo isku xirta wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

11/11/2012 6:17 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay dowladda Uganda sheegtay inay ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM kala baxayso Soomaaliya, haddii aanay Qaramada Midoobay ka laaban warbixintii ay ku sheegtay in Uganda ay taageerto jabahad ka dagaalanta bariga dalka ay dariska yihiin ee DR Congo.

11/11/2012 5:48 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Israsaaseyn askar kawada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dhexmaray barqonimadii maanta afaafka hore xarunta dambi-baarista booliiska Soomaaliya ee CID-da ayaa sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawac soo gaaray sarkaal booliiska ka tirsan.

11/11/2012 5:43 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayeey sheegeen saraakiisha maamulka gobollka in gacanta lagu soo dhigay askarigii dhawaan magaalada ku dillay taliyihii ciidamada maamulka gobollka Muumin Maxamed Maxamuud.

11/11/2012 2:19 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayaa dhintay, shan kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii ciidamada dalka Yemen ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen qoxootigan oo marayay gobolka Laxaj ee Koonfurta dalkaas.

11/11/2012 2:10 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay muhiimadda koowaad siin doonto dib u xoreynta dalka iyo sugidda ammaanka, wuxuuna intaas ku daray inay ka go'an tahay in dhammaan howlaha horyaalla ay ku dhameystiraan muddada ay haystaan.

11/11/2012 2:05 AM EST
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay dagaal saacado badan qaatay oo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Goof-guduud oo 30-KM dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.