Axad, November 11, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay dowladda Uganda sheegtay inay ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM kala baxayso Soomaaliya, haddii aanay Qaramada Midoobay ka laaban warbixintii ay ku sheegtay in Uganda ay taageerto jabahad ka dagaalanta bariga dalka ay dariska yihiin ee DR Congo.
Arrintan ayaa waxay walaac badan gelisay dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo ururka Midowga Afrika, iyadoo Soomaalida ku nool dalka Uganda ay sheegeen in tani ay u muuqato firki khaldan oo lagu doonayo in dhibaatooyinkii Soomaaliya ay dib u soo laabtaan.
"Waxaan filayaa in go'aanka Uganda ay ku gaartay in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya uu yahay mid khaldan oo looga dan leeyahay in Soomaaliya ay dib ugu laabato dhibaatooyinkii ay kasoo gudbtay," ayuu yiri Cabdinuur Axmed oo ka mid ah Soomaalida deggen xaafadda Kisenyi ee magaalad Kamapla.
Ciidamada Uganda ayaa waxay hoggaaminayaan howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya kaasoo billowday sannadkii 2007, waxayna AMISOM markii ugu horreysay ku tallaabsatay inay la wareegto deegaanno ka baxsan Muqdisho oo ay ka talinaysay Al-shabaab.
"Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee AMISOM," ayuu yiri Col. Felix Kulayingye oo ah afhayeenka ciidamada Uganda, isagoo intaas ku daray in ciidamadooda ay gacan siiyaan kuwa dowladda Soomaaliya sidii ammaanka Somalia dib loogu soo celin lahaa.
Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, Brig. Paul Lokech ayaa isna sheegay in hadda ay ciidamadoodu gaareen meelo ka baxsan Muqdisho, ayna doonayaan inay horay u sii socdaan haddii ay sii joogaan Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa iyaduna walaac ka muujisay ka bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, iyadoo sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya uu sheegay in Uganda ay ka caawinaysay sidii ay goob ammaan ah uga sameyn lahaayeen deegaanno ku dhow xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
"Innaga waa naga go'an tahay inaan howsheenna sii wadno xitaa haddii ay Uganda cidamadeeda kala baxdo Soomaaliya. Balse innagu ma doonayno in Uganda ay la baxdo ciidamadeeda," ayuu yiri sarkaalka u hadlay Kenya oo aan magaciisa sheegin.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Uganda ayaa waxay ku adkeysanaynaa inay kala baxayso ciidamadeeda Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ku yaalla haddii aanay ka laaban Qaramada Midoobay warbixinta eedeynta ah ee loo jeediyay Uganda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Cabsida laga qabo in Ammaanka Soomaaliya uu faraha ka baxo haddii ay Uganda ciidamadeeda la baxdo oo soo kordhaya
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka jaray Mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey Gobollada Saaxil iyo Togdheer
- Bangiga Horumarina Afrika oo laga yaabo in uu Maalgaliyo wado Isku xirta dalalka Kenya iyo Soomaaliya
- Israsaaseyn khasaare geystay oo askar kawada tirsan Ciidamada Dowladda Somalia ku dhexmartay Magaalada Muqdisho
- Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in la qabtay Askarigii dhawaan ku dilay Baladweyne Taliyihii Ciidamada Maamulka
- Guddigii Farsamada ee ka socday shirka Magaalada Nairobi iyo Saraakiil IGAD ah oo Gaaray Magaalada Kismaayo
- Ciidamada dalka Yemen oo toogasho ku dilay kuna dhaawacay Qoxooti Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Laxaj ee dalka Yemen
- RA'IISUL WASAARE SAACID: "Xukuumadeydu waxay Xoogga saaraysaa dib u Xoreynta dalka iyo Sugidda Ammaanka"
- Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Baydhabo